Beesha Caalamka oo "saluugsan" guddiga doorashada federaalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka ayaa saluug badan ka qabta dhex-dhexaadnimada guddiga doorashooyinka federaalka Soomaaliya, sidda uu illo loo qaateen ah ka ogaadey warsidaha Garowe Online.

Sida laga soo xigtay macluumadyada, diblumaasiyiinta ayaa si gaar ah waxay uga walaacsan yihiin sida hufnaan ugu shaqeyn karaan "guddi guddoonkiisa lagu doortey doorasho laaluush lagu bixiyey".

Sarkaal ka tirsan xafiiska Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Soomaaliya ayaa u sheegay mareegga GO in doorashada guddoonka guddiga lagu bixiyey "min 3-kun doolar oo la lagu laaluushay xubnaha kale".

"Saaxiibada Caalamka waxay niyad-jab weyn ka qabaa musuqmaasuqaas durba soo ifbaxay oo sii kordhineysa cabsida in wax is-dabamarin kale ay dhici karaan," ayuu raaciyey sarkaalkaas magaciisa ka gaabsadey.

Bishan Julaayo 4-teeda sanadkan 2021 ayaa Maxamed Xaaji Cirro waxaa loo doortey in uu noqdo guddoomiyaha guddiga doorashada federaalka, isaga oo saddex cod kaga adkaadey Liibaan Maxamed Xasan.

Dhanka kale, wakiilada Beesha Caalamka ayaa ogolaadey in ay bixiyaan lacagta ay ku baxeysa doorashooyinka oo ah $7 milyan. Qoondadan ayaa waxaa loogu talagalay barnaamijkii fashilmay ee Xaliima Yarrey.

"Sidoo kale, waxay diblumaasiyiintu u sheegeen madaxda Soomaalida in lacagta kasoo xaroota diiwaan-gelinta musharaxiinta Xildhibaanada iyo madaxtinimadda oo wadar ahaan lagu qiyaasayo $8 milyan ay u adeegsadaan howlaha doorashada iyaddoo guddiga federaalka uu wax ka maamulayo lacagtaas," ayay ku dareen illo wareedyadda.

Sikastaba ha ahaatee, beesha caalamka ayaa u muuqata mid dabcisay aragtideeda bixinta lacagta doorashadda. Mowqifkeeda horey wuxuu ahaa in aysan maalgelin karin doorashada dadban kuna talageen qof iyo cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM