Ciidamada Soomaaliya oo Cali Dheere "ku dhaawacay" howlgal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka kooxda Al-Shabaab ayaa ku dhaawacmay howlgal ay Axadii ciidanka Soomaaliya ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay sheegeyso warbaahinta dowladda.

Idaacadda ku hadasha afka xoogaga dowladda ee SNA Radio ayaa ku warameysa in gulufka lagu waxyeeleeyay Sheekh Cali Maxamuud [Cali Dheere] uu ka dhacay degaanka Shaam ee duleedka Awdheegle.

Taliska ciidamada xooga dalka ayaa shaaciyey in howlgalkaasi ay ku dileen 16 kamid ahaa Al-Shabaab, isla markaana ay ku dhaawacmeen tobanaan kale oo uu Cali Dheere ku jiro.

Nooca dhaawaca, halka ay dhibaatadu kasoo gaartey, hadii iska hor-imaad lagu helay, qaabka uu ku baxsaday iyo xaaladiisa haatan, waxay qayb ka yihiin su'aalaha ku foorara baahinta SNA Radio.

Dhinaca kale, ma jirto wax war ah oo ku saabsan sheegashadda dowladda Soomaaliya oo kasoo baxay dhinaca dagaalameyaasha hubeysan ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.

Cali Dheere oo kamid ah horjoogeyayaasha ugu sareysay ururka Al-Shabaab ayaa marka laga soo tago in uu afkooda ku hadlo waxaa la rumeysan yahay in uu ka qayb-qaato xagjireynta dhalinyaradda.

Sarkaalkan ayaa ku jira liiska shaqsiyaadka ka tirsan "maleyshiyaadka argagixisada ah" kuwaasi oo aadka loo doon-doonayo isla markaana ay Qaramada Midoobay iyo Mareykanka dul-dhigeen xayiraadyo.

Hadii la xaqiijiyo dhaawaciisa waxay dharbaaxo ku tahay kooxdiisa, halka ay guul u noqoneyso ciidamada uu Turkigu u tababaray Soomaaliya kuwaasi oo howlgal fuliyay, isla markaana dhowaan tababar loosoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM