Guddiga Kheyraadka Aqalka Sare oo kahor-yimid Shirka Shidaalka Somalia ee London

Image

MUQDISHO, Somalia - Guddiga Kheyraadka Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa kasoo horjeestay Shirka maalint berri ah, 7da Febuary ka furmaya magaaladda London, kaasoo la sheegay in lagu xaraashayo Shidaalka dalka.

Qoraal uu soo saarey ayuu Guddiga ku sheegay in Shirka uu yahay mid sharci darro ah, oo aan waafaqsanayn dastuurka dalka, islamarkaana wixii dhibaato ah oo ka timaada ay mas'uuliyadeedu qaadayso Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Batroolka.

Shirka London, ayaa dareen badan ku dhaliyay shacabka Soomaaliyeed, maadaama lagu soo beegay xilli aan dalka lahayn shuruuc lagu maamulo soo saarista Kheyraadka, sidoo kalena aan Baarlamaanka ansixin Sharciga Batroolka [Petroleum law].

Waxaa sidoo kale lagu soo beegay Shirkan oo ay ka qeybgalayaan shirkado daneeya Shidaalka Somalia iyadoo uu khilaafka qeybsiga kheyraadka u dhaxeeyo dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada dalka.

Mucaaradka ayaa ku baaqey in lagu qabto London dibadbax si loo baajiyo xaraashka Shidaalka dalka, iyadoo Guddiga Kheyraadka Aqalka Sare uu sheegay in daah-furnaan la'aan ay ka jirto dhinaca Wasaaradda Batroolka iyo Shirkadda Spectrum oo sahan ku sameysay goobaha shidaalka uu ku jiro, islamarkaana haysa xogta Kheyraadka Somalia.

HALKAN KA AKHRI:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM