Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka KG oo is-casilay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gudoomiyihii Gudiga Doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Carfo Ibraahim Aadan oo shir-saxaafadeed ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii gudoomiye-nimo.

Cirfo ayaa ku sheegay sababta is-casilaadiisa faragelin howlaha gudiga ee doorashooyinka maamulkaan, xilli Xildhibaanno Federaalka katirsan ay Villa Somalia ku eedeeyeen inay faragelin ku hayso doorashada, iyadoo taageerysa musharaxiinta qaar.

ah Xildhibaan katirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed, ayaa Xilkaan waxaa loo magacaabay dabay-qaadda bishii hore ee October, markii Guddiga doorashada uu soo magacaabay Afhayeenka Sharci-dejinta dowlad goboleedkaan xubinta ka ah Federaalka.

Mudane Carfo Ibraahim Aadan oo ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa si wayn ugu dhow Shariif Xasan Aadan, kaasi oo kamid ah murashaxiita u taagan qabashada xilka ugu sareeya Koonfur Galbeed.

Ma jirto jawaab nasoo gaaray oo ay dowladda Federaalka illaa iyo haatan ka bixiso eedaynta uga timid Gudoomiyihii hore ee Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo kusoo aadaysa xili ay maalmo ka harsan tahay doorashada.

Tani ayaa imaaneysa xili maanta uu Guddiga diiwaan-geliyay Murashax Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, kaasi oo noqday midkii ugu horeeyay ee lagu diiwaanka ramsiga ah ee Guddiga.

Doorashada maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo qabsoomeysa 17-ka bishaan November ayaa waxaa ku haareysan siyaasado kala duwan, kuwaasi oo ay ugu horeyso khilaafka dowlada dhexe iyo maamul goboledyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM