Howlgal military oo ka billowday gobolka Shabeellaha Hoose

Image

QORYOOLEY, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo kaabaya kuwa Midowga Africa ee AMISOM, ayaa howlgal military oo ka dhan ah Al-Shabaab ka billaabey gobolka Shabeellaha Hoose.

Col Xuseen Xoosh, oo kamid ah Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa uu xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in ujeedka howlgalka uu yahay sidoo Al-Shabaab laga saaro degaanada wali ay maamusho iyo in dib loo furo wadooyinkii ay go'doomisay.

Howlgalka ayaa xoogiisa waxa uu ka socdaa tuulooyinka hoostaga degmada Qoryooley, oo qiyaastii 120-KM dhanka waqooyiga galbeed uaga beegan magaalada Muqdisho, halkaaso mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen weeraro Al-Shabaab kusoo qaadeysay.

Degmada Qoryooley ayaa go'doon ku jirtay tan iyo markii ciidamada DF iyo AMISOM la wareegeen  2014-kii, waxaana dadka degan ay sheegeen in ciidamada aan ku lahayn awood badnayn degmada, oo xilliga habeenkii ay qeyb kamid ah Al-Shabaab maamusho.

Howlhalka socda ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalintii shalay uu sheegay Col. Cali Dhuux oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xooga in ay ku dileen nawaaxiga Qoryooley taliyihii dhanka howlagalada iyo midka sirdoonka ee Shabaab u qaabilsanaa gobolka.

Gobolkan oo sidoo kale oo ka jiro dagaal beeleed, ayaa waxaa la rumeysan yahay in laga soo abaabulo weerarada Al-Shabaab ka fuliso Muqdisho, maaadaama uu xuduud la leeyahay gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay inay amniga ay ka dhigeyso ahmiyadda kowaad, iyadoo Madaxweyne Farmaajo dhowr jeer ku dhawaaqay xaalad dagaal iyo howlgal Al-Shabaab dalka looga saarayo, kuwaasoo aan waxba ka fulin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM