Jubaland oo Beesha Caalamka u dirtay dalab ku aadan Dhuusamareeb 3

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Maamulka Jubaland ayaa war-saxaafadeed kasoo saarey wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb, kaasoo uu ku caddeeyay mowqifkiisa ku aadan wadahadaladan muhiimka ah.

Bayaankan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa wuxuu ku eedeeyay dowlada federaalka ah in ay burburineyso heshiisyaddii lagu gaarey wadaxaajoodyaddii Dhuusamareeb 1 iyo 2.

Diiditaanka kaalinta Aqalka Sare iyo heshiis siyaasadeed oo looga gudbo nooca coddeynta 2020-21 ayuu si lamid ah ku dhaleeceeyay.

Faragelin ay wali ku hayso arrimaha gobolka Gedo iyo talaabooyin "aanan u adeegeyn qabsoomida Dhuusamareeb 3" ayaa sidoo kale kamid ah.

"Waxaa meesha laga saarey xukuumadii hogaamin lahayd arrimaha doorashada ayada oo mid kale aan la magacaabin," ayaa lagu yiri qoraalkan kasoo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Beesha Caalamka ayay ugu baaqdey "in ay ka caawiyaan Soomaalida sidii u u qabsoomi iyo ka miradhalinta shirka Dhuusamareeb 3".

Mowqifka Jubaland ayaa kusoo hagaagaya xilli Puntland ay horey u sheegtay in ay kaliya ka qeybgaleyso shirka marka ay goobjoog ka noqdaan wakiilada caalamka lana soo magacaabo ra'iisul wasaaraha cusub ee dalka.

Hoos ka daalaco warka qoraalka ah

Image

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM