Lacagta Villa Somalia ku baxisay doorashadii Lafta-Gareen oo la shaaciyay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee Howlaha guud ee Xukuumadda hadda jirta ee Soomaaliya Saalax Sheekh Cismaan, ayaa sheegay in Villa Somalia ay $3000,000 [Saddex Milyan oo dollar] ay ku bixiyay doorashada Cabdicasiis Lafta-Gareen.

Eng Saalad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo ay malaayiin shacab Soomaaliyeed ah ay ku dhibaateysan yihiin xeryaha barakaciyaasha Baydhabo ay Xukuumadd Soomaaliya ay lacag intaasi la eg ku kharasha gareyso Guusha Lafta Gareen.

Doorashadii maanta xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo baxay Cabdicasiia Lafta Gareen, oo ahaa Musharax ay dowladda Muqdisho kasoo dirtay, isagoo hub, ciidan iyo lacag wata ka degay Baydhabo bishii lasoo dhaafay.

Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay doorashadii ka dhacday Baydhabo mid lagu shubtay, oo aan u dhicin hanaan hufan oo xor iyo xalaal ah.

Dowladda Federaalka wali kama aysan jawaabin eedeyntan.

Lafta Gareen ayaa helay codad aad u badan wareeggii kowaad, kuwaasi oo gaaraya 101, halka musharixii ugu dhawaa, Aadan Saransoor uu ku guuleystay 22 cod, iyadoo doorashada ay ahayd mid qaadatey mudo ka yar saddex saacadood.

Xuseen Sheekh Cali, oo ah gudoomiyaha Mac-hadka Hiraal ee fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa sheegay inay aad ugu adkaan doonto Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen inuu socodsiiyo dowladiisa, maadaama la aaminsan yahay inuu daacad u yahay madaxda Villa Somalia.

Waxuu Xuseen intaasi ku daray in Xariga Roobow ay dhabar-jab ku tahay dedaalladii lagu soo afjari lahaa awoodda Al-Shabaab, maadaama shaqsigan ay dad badan aaminsanaayeen in hadii uu noqon lahaa Madaxweynaha KG uu Kooxdan ka saari lahaa Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, oo Koonfur Galbeed katirsan.

Ugu yaraan 15 qof, oo Xildhibaan kamid ahaa Baarlamanka Koonfur Galbeed ayaa lagu dilay Isku dhacyo ku dhexmaray Baydhabo ciidamada Itoobiya iyo taageeriyaasha Mukhtaar Roobow todobaadkii tagey, iyadoo boqolaal xabsiga la dhigay.

Roobow oo kamid ahaa Musharixiinta buuxiyay shuruudaha doorashada, islamarkaana labo jeer la siiyay shahaadada musharaxnimo ayaa lagu xiray Baydhabo, waxaana loo soo wareejiyay Muqdisho maalmo kahor doorashada Koonfur Galbeed.

Doorashadii Koonfur Galbeed ayaa waxaa hareeyay faragelin lagu eedeeyay dowladda Federaalka inay ku sameysay, iyadoo dib u dhaca ku yimid saddex jeer, oo markii hore la filayay inay dhacdo 17-kii November.

Wasaaradda amniga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku eedaysay Roobow inuu Baydhabo kawadey abaabul ciidan iyo inuu hub sharci darro ah soo galiyay, islamarkaana uu khal-khal geliyay amniga magaalada.

Laakiin, Mas'uuliyiin iyo Xildhibaano katirsan dowladda Federaalka oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa eedeymahaasi beeniyay, iyagoo ku tilmaamay xarigii Roobow mid looga hor-joogsanayay tartanka doorashada, maadama uu khatar ku ahaa Lafta Gareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM