Mooshin xilka qaadis ah oo laga keenay Farmaajo iyo Mursal oo qabtey [Akhri Qodobada]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaano badan, oo katirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa keenay Mooshin xilka qaadis ah, oo ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal ayaa qabtey Mooshinka, kaasoo Xildhibaanada saxiixan wali aan magacyadooda iyo tiradooda la shaacin, balse waxaa lagu qiyaasay inay gaarayaan 92.

Mooshinka Xilka-qaadista ayaa lagu soo bandhigay qodobo dastuuri ah oo lagu eedeeyay Farmaajo inuu jebiyay, kuwaasoo kala ah;

1 - Ku xad-gudubka mabaadii'da iyo shuruudaha Isku-celinta eedeysaniyaasha iyo dembiiliyaasha.
2 - Ku xad-gudubka Xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed,
3 - Ku Xad-gudubka awoodaha iyo xilka Madaxweynaha,
4 - Ku Xad-gudubka mabaadii'da Federaalka, duminta dowlad goboleedyada iyo abaabulka dagaallo sokeeye

5 - Ku xad-gudubka mabaadii'da ciidamada amniga, Xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida iyo go'aanada Golleyaasha Baarlamaanka.

HALKAN KA AKHRI WARQADAHA MOOSHINKA:



GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM