Muqdisho: Madaxda Soomaaliya oo Heshiis Ka Gaartey Qodob Muhiim ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan maanta ugu furmey madaxda maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagaga hadlay qodobo muhiim ah kuwasoo gundhig u ahaa Khilaafka labada dhinac u dhexeeya iyadoo wararka warsidaha GO helayo sheegayaan in heshiis hordhac ah laga gaarey qaarkood.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'isal wasaare Khayre oo kulanka furey ayaa wararku sheegayaan iney hoosta ka xariiqeen iney dhab ka tahay in heshiis laga gaaro khilaafka jira iyadoo si niyad-sami ah looga wada hadlayo arimaha taagan.

Qodobada la isku hayo ayaa waxaa loo kala saarey Labo qaybood; qaybta kowaad ayaa laga dhigey kuwa ka bilowdey khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka iyo xil-kaaqditsa dowlada Federaalka ah dabada ka riixeyso in lagu sameeyo qaar ka tirsan Madaxweynayaasha maamulada Soomalida; halka kuwa kale laga dhigey khilaafyo horey u jirey kuwasoo la xiriira shuruucda Dastuurka iyo sidii loogu dhaqmi lahaa nidaamka Federaalka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qodobka kowaad laga dhigey sidii meesha looga saari lahaa shakiga labada dhinac kala qabaan iyadoo dhinaca dowlada xuseen iney cabsi ka qabaan inuu jiro qorshe la rabo in lagu afgam-biyo madaxda dowlada dhexe halka maamulada dhinacooda ka hadleen qorshaha xilalka looga qaadayo madaxda maamulada qaarkood.

Garowe Online ayaa fahansan in labada dhinaca heshiis ka sameeyeen in tuhunka ka jira dhinacaydaas meesha laga saaro iyadoo aysan weli cadeyn sida warmurtiyeedka ugu dambeeya ugu soo bixi doono qodobadaan sida hoose looga heshiiyey.

Kulankii maanta ayaa lagu balamey in maalinta berri ah looga hadli doono qodobka amniga dalka iyo sidii looga hortagi lahaa dagaalka kooxda al-shabaab soo qaadey iyadoo la filayo in aragti mideysan laga qaato.

Wadahadalka maanta ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra'isal wasaare Khayre iyadoo dhinaca kale uu si buuxda uga qayb galay Madaxweynaha maamulka Galmudug oo isagu budhige u ahaa khilaafka labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM