Qarax ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus oo geystay khasaarooyin kala duwan ayaa maanta oo sabti ah ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaaladda Muqdisho, xilli wadooyinka caasimadda ay dowladdu dhigtay ciidamo boolis ah.

Hal qof ayaa ku dhintay, qaar kalena way ku dhaawacmeen qaraxan oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca Toyota Hilux, oo la sheegay inay leedahay Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil.

Qaraxan oo ahaa mid culus ayaa ka dhacay irida xarunta Dahabshiil ee Suuqa Bakaaraha, waxaana la sheegay in gaariga la qarxiyay uu yahay mid ay wateen ilaaladda amaanka Shirkadda.

Mas'uuliyiinta Dahabshiil kama aysan hadlin ilaa hadda qaraxa ka dhacay xaruntooda ugu weyn ee Suuqa Bakaaraha.

Ciidamada booliska dowladda Federaalka ayaa goobta gaarey, kadibna xiray wadada mudo daqiiqado ah, iyadoo ay sameeyeen baaritaan aan wali la ogeyn cida loo soo qabtey qaraxa oo u muuqday mid lala eegnayay askarta ilaalada u ah Shirkadda.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo ganacsiga gudaha ka howlgala dalka ayaa mudooyinkii dambe la kulmayay amaro uga imaanaya Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, oo waydiisanaya lacago baad ah, oo canshuur ku tilmaamaan.

Horaantii Sanadkan, dhowr kamida shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa lagu dilay Muqdisho, waxaana la sheegay in dilalkan ay ka dambaysay Kooxda Daacish, kadib markii loo diiday malaayiin dollar oo ay Shirkadda waydiisteen, inkastoo hadda weerarada ka joojiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM