Rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Koonfurta Soomaaliya

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Dhowr xubnood oo katirsanaa Al Shabaab ayaa lagu dilay howlgal iyo dagaal ka dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Gedo.

Saddex dagaalyahan ayaa Al Shabaab looga dilay weerar ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska Booliska Afgooye ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkii uga yimid dhanka Al-Shabaab oo uu dagaal dhexmaray mudo 10 daqiiqo ah sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiisha ayaa xusay in weerarka ay ka warhayeen, islamarakaan u diyaar garoobeen taas oo keentay in ay dilaan Saddex ka mid ah dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka ku soo qaaday Afgooye.

Al Shabaab dhankeeda kama aysan hadlin khasaaraha kasoo gaarey dagaalka Afgooye, kaaso oo kusoo beegmaya xilli Mareykanka uu shalay sheegay in 2 dagaalyahan uu ku dilay duqeyn uu ka fuliyay deegaanka Mubaarak. Halkan ka akhri.

Dhanka kale, wararka aan ka helayno gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay weerar ay ku qaadeen shalay gelinkii dambe saldhig Al Shabaab oo ku yaalla duleedka degmada Ceel Waaq.

Duulaanka oo ay ka qeyb qaateen Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa waxaa lagu diley afar katirsanaa Al Shabaab oo lagu duqeeyay saldhig ay ku leeyihiin dhu buuralay ah oo ku yaalla waqooyiga Ceel Waaq.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

Puntland oo Howlgallo Ka Fuliya Miiraale, 50 Xubnood oo ISIS ah oo la Diley

Sidoo kale, xulafada Mareykanka ee ku sugan gobolka ayaa taageero hawlgalka Puntland, iyagoo fuliya duqeymo cirka ah.

  • Soomaliya

    19-04-2025

  • 04:25PM

Fowdo iyo buuq hareeyay fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya iyo Mooshin laga keenay Aadan Madoobe

Fadhiga maanta oo la filayay in si rasmi ah uu u furmo ayaa hakad galay kadib markii xildhibaanada qaar, gaar ahaan kuwa mucaaradka ah.

  • Soomaliya

    19-04-2025

  • 12:16PM