Diyaarado Duqeyn ka fuliyay duleedka Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUBARAK, Soomaaliya - Militeriga Mareykanka ee ka howlgalka Qaaradda Afrika [AFRICOM] ayaa sheegay in Duqeyn cirka ah oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen xubno katirsan Al Shabaab.

Duqeynta oo ka dhacday 19-kii bishan meel ku dhaw deegaanka Mubaarak, ayaa waxaa lagu dilay labo katirsanaa Al Shabaab, iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay saddex kale, sida lagu sheegay War Saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale lagu burburiyay Gaari loo maleynayo inay la socdeen dagaalyahanada la dilay iyo kuwa dhaawacmay, oo diyaarad ay ku bartilmaameedsatay nawaaxiga Mubaarak, oo ay maamusho Al Shabaab.

Duqeynta waxaa fuliysay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano [Drone], taasi oo Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya inta badan ay ku weeraraan deegaanada Al Shabaab, horeyna ugu dilay hogaamiyaal sare oo katirsanaa Al Shabaab.

Waa duqeyntii lixaad oo sanadkan oo Mareykanka ka geysto Soomaaliya, kuwaasi oo intooda badan ka dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka, oo Al Shabaab ay ku xoog badan tahay.

Tan iyo bishii Maarso ee sanadkii 2017, markii uu Madaxweyne Trump bixiyay ogolaanshaha in la la kordhiyo duqeymaha Soomaaliya, waxay AFRICOM fulisay in ka badan 40 weerar, oo ka dhacay deegaanada Al Shabaab ay maamusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM

Masar oo Kordhisay Doorkeeda Geeska Afrika, Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira

Kulankan ayaa imanaya kaddib booqashooyinkii dhawaan ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 07:14PM