Siduu u dhacayaa ka-bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilka gaarka ee Midowga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Francisco Madeira ayaa caalamka ugu baaqay inay taageero deg deg ah u fidiyaan ciidamada qaranka Soomaaliya kahor inta aan AMISOM dalka laga saarin.

Isagoo ka hadlayay Shir Jaraa'id oo uu ku qabtey xarunta Xalane ee Muqdisho, ayaa Francisco Madeira wuxuu xusay in taageerada beesha caalamka ay muhiim u tahay in ciidamada Soomaaliya kala wareegeen mas'uuliyadda amniga magaalooyinka iyo deegaanada ay ka baxayaan ciidanka AMISOM.

"Waxaan ku celinaynaa si kastaba in loo baahan yahay taageero deg deg ah oo loo fidiyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, oo u baahan qalabka, hubka, mushaaraadka, daryeelka caafimaadka, saldhigyo iyo caruumo tababar," ayuu yiri Francisco Madeira, oo sidoo kale ah madaxa AMISOM.

Wuxuu daboolka ka qaadey in bisha December 31-keeda, ay billaabi doonaan ka bixitaankooda Soomaaliya, iyadoo wajiga kowaad la qaadi doono 1,000 Askari, iyadoo kuwa kale si tartiib-tartiib loo bixin doono.

"Dhaq-dhaqaaqa ciidamada AMISOM uga baxayaan dalka waxay ka socdaan qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya, iyadoo askarta isku diyaarinayaan inay goobaha ay joogaan ku wareejiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya," ayuu raaciyay hadalkiisa Madeira.

Isagoo ka hadlyaya qaraxii Zoobe, 14-kii Oct, Francisco Madeira ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay doorkooda qaataan oo qeyb ka noqdaan dedaallada lagu soo celinaya nabada iyo kaladambeynta.

"Muwaadin kasta waa inuu ciyaaraa doorkiisa dedaalka lagu nabadeynayo Soomaaliya, sidoo kalena looga xureynayo Al Shabaab guud ahaan dalka. Waa xusida mudan in ciidamada amniga aysan Al Shabaab ciribtiri karin hadii aaney bulshada la shaqeyn, oo xogta usoo gudbin," ayuu yiri Ergayga.

Francisco Madeira ayaa ku celiyay in AMISOM ay ka go'an tahay inay u tababarto Soomaaliya ciidamo xoog baan, oo Boolis iyo Military isagu jira oo qaadi kara mas'uuliyadda amaanka, markii ay baxaan.

Wararka hoose ee Warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in kun-ka Askari ee ugu horeeyay laga soo saari doonoo degmada Baraawe, ee gobolka Shabeellaha, waxaana ciidamadaasi ay u dhasheen dalka Uganada, oo ah dalkii ugu horeeyay ee ay ciidamadiisu yimaadaan dalka 2007.

Ka bixitanka AMISOM wuxuu kusoo aadayaa xilli xasaasi ah, oo dowladda Federaalka ay qorsheynayso inay qaado howlgal ka dhanka ah Al Shabaab. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM