Soomaaliya: Al Shabaab oo 11 looga dilay dagaal ka dhacay Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Ciidamada Xoogga dalka ayaa 11 katirsanaa Al Shabaab ku dilay, qaar kalena ku dhaawacay dagaal qaraar oo maanta ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Axmed Tareedisho, oo ah taliyaha ciidamada qeybta 54-aad ee ka howlgala gobolka ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu yimid kadib markii Al Shabaab weerar jidgal ah ku qaadey Kolonyo uu la socday gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Askarta ilaalinaysay gudoomiyaha ayaa iska caabiyay weerarka, iyagoo dilay 11 xubnood oo kamid ahaa kooxda weerarka kusoo qaadey, waxaana dhanka ciidanka la sheegay inuu ka dhintay hal Askari.

Cali Jeyte iyo mas'uuliyiin sare oo katirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxay la kulmeen weerar kedis ah, xilli ay ka baxeen Beledweyne, kuna sii jeedeen degmada Maxaas ee isla gobolkaasi oo howlo shaqo u aadeen. Halkan ka akhri.

"Argagaxisada waxay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen kolonyada galbiinaysay gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, kadib waa la iska caabiyay, waxaana laga dilay 11 dagaalyahan, dhankeena waxaa naga dhintay hal Askari, afar kalena way naga dhaawacmeen," ayuu yiri Jeneraal Tareedisho.

Gudoomiyaha isagaa badqabo ayuu gaarey Maxaas, kadib weerarka kaasi oo Al Shabaab sheegtay inay ku dishay saddex askari oo kamid ahaa kuwii la socday Cali Jeyte, sidoo kalena ay ka gubeen gaadiid dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM