Xildhibaan Fiqi iyo duqa Muqdisho oo dagaal kulul ku dhexmaray Baraha Bulshada

Image

Dagaal aan waxba la iskula harin iyo eedeymo cul-culus ayay Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Duqa Muqdisho ku dhexmaray baraha Bulshada [Social Media].

Labada Mas'uul dagaalkooda ayaa qarxay kadib markii uu gudoomiyaha gobolka Banaadir, Eng Yariisow hadal uu shalay oo Jimco ahayd ka jeediyay Muqdisho ku weeraray mucaaradka dowladda Federalka.

Xildhibaan Axmed Maclin Fiqi, oo kamid ah siyaasiyiinta dhaliila maamulka Farmaajo, ayaa u jawaabey Eng Yariisow, isagoo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku tilmamay inuu yahay Guul-wade.

Fiqi ayaa qoralkiisa ku yiri: "Yariisow hala gaarsiyo shacabka Muqdisho uma baahna Guul-wade", oo ula jeedo inuu ku shaqeeyo rabitaanka madaxda sare ee DF, isagoo gabay mas'uuliyadda lagu aaminay.

Fiqi oo u muuqday mid ka caroodey hadalka kasooo yaareya Eng Yariisow, ee ahaa in siyaasiyiinta mucaaradka ah laga doonayo inaysan siyaasadeynin amniga Muqdisho, sidoo kalena noqon qas-wadiyaal buun-buuniya argagaxisadda.

Eng Yariisow oo ka falcelinaya qoraalka Fiqi ayaa bartiisa Twitter-ka ku yiri isna: "Fadlan haloo sheego Fiqi in shacaba aysan raalli ka aheyn Qaswade kalkaaliya Argagaxisada".

"Guddoomiye Yariisow waa hadlay laakin wadooyinka mugdiga noqday, balliyada biyaha Muqdisho roobabku ku reebeen iyo qashinka Meel kasta yaalla ayaa shaqadoodu u taallaa iyo inuu wax ka yiraahdo, laakin mucaaradka ka hadalkiisa madaxweynaha ayaa Koofurta Sudan fariin uga Soo diray oo ku filan. Mise dhaqanka Guulwadaynta waa lagu qasban yahay," ayuu ku jawaabey Xildhibaan Fiqi.

Dagaalka labada dhinac ku dhex maray Social media oo socday mudo saacado ah, ayaa markii dambe soo kala dhex-galeen siyaasiyiin iyo gudoomiye ku xigeenada gobolka Banaadir, oo xaaladda qaboojiyay, sida uu sheegay Fiqi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM