Xildhibaanno sharci-darro ku tilmaamey Garsooreyaal uu Farmaajo magacaabey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaano kamida Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sharci darro ku tilmaameen Garsooreyaal uu 24-kii bishan magacaabey Madaxweyne Farmaajo.

War-murtiyeed ay soo saareen Xildhibaanada Kutlada Badbaado Qaran ayay ku eedeeyeen Farmaajo inuu jebiyay dastuurka, kadib markii uu magacaabay 4 Garsoore, oo kamid noqonaya Maxkamadda sare.

Waxay sheegeen Xildhibanada in tirada Garsooreyaasha Maxkamadda sare uu ka dhigay Madaxweynaha 10 Garsoore, halk tirada sharciga ay tahay 9 Garsoore oo kaliye.

Qoraalka ayaa lagu xusay in magacaabista Gudoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed loo marin waddo sharci ah, sidaasi darteedna uusan awood u lahayn soo jeedinta magacaabis Garsooreyaal.

Xildhibaanada ayaa ugu baaqey Madaxweyne Farmaajo in uu waajibkiisa u guto si waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka, sida ku cad qodobka 87aad, faqradda 2aad.

Waa markii labaad oo Xildhibaanada Gollaha Shacabka ay ku eedeeyaan Madaxweynaha inuu jebiyay qodobo kamid ah Dastuurka Soomaaliya, iyadoo dhawaan at ka tanaasuleen Mooshin xilka qaadis ah isaga ka dhan ah.

Mooshinka oo laga noqday kadib wadahadal hoose oo dhexmaray Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Ra'iisul Wasaare Khayre iyadoo sidoo kale isku shaandheyb lagu sameeyay guddiga maaliyadda oo soo saarey bishii lasoo dhaafay warbixin Xukuumadda ku eedaysay musuq-maasuq iyo maamul xumo maaliyadeed.

HALKAN KA AKHRI WAR-MURTIYEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM