Xildhibaano codsaday in Gollaha Shacabka looga yeero Ra'iisul Wasaare Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tiro Xilldhibaano ah oo ka tirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dalbaday in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu hor-yimaado sharci-dejiyaasha si ay uweydiiyaan su’aallo la xiriira fashil ay sheegeen inuu ka jiro dhinaca amaanka.

Kulankii ay maanta ku yeesheen mudanayaasha Aqalka Hoose xaruntooda Muqdisho, kaasoo ajandaha uu ahaa amniga guud ee dalka, gaar ahaan midka caasimada ayaa Xilldhibaano ka hadlay waxay tilmaameen inay muhiim tahay in amaanka dalka la sugo.

Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa wuxuu ka codsaday Xilldhibaanadda furitaanka Fadhiga in aysan buun-buunin dhibaatooyin uu qiray inay ka jiraan dhinayadda amniga, garsoorka iyo siyaasadda, isla markaanan aanan la niyad-jabin shacabka.

Qaar ka tirsan Mudanayaasha waxay farta ku fiiqeen in dowladdu kaliya ku guulaysan la’dahay sugitaanka nabad-gelydda magaalo madaxda dalka, inkasta oo ay qireen inay jiraan guulo laga gaarey, balse, waxay ku nuux-nuux sadeen inay inaanan la gaarin halkii loo baahnaa.

Xilldhibaan Maxamed Cumar Dhaxla ayaa shaaca ka qaaday in amaan la’aanta ka jirta gobolka Shabeellaha Hoose ay sababtay inay guryahooda kasoo baracakaan dad badan, kuwaasoo daafaha iyo magaalada yimid, isaga oo ku baaqay inay dadkaasi il-gaar ah lagu eego.

Amaanka ayaa ah fashilka ugu wayn wajaheyso xukuumada Khayre, waxaana Xilldhibaanada kulanka ka hadlay dhamaantooda ay si wadajir ah tooshka ay ugu ifiyeen sida loogu baahan yahay in la adkeeyo nabad-gelyadda magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.

Tan iyo markii ay meel-mariyeen Xilldhibaanada Gollaha Shacabka bishii March ee sanadkii hore, Ra’iisul Wasaare Khayre marnaba ma uusan hor-imaan Mudanayaasha si ay su’aallo uga waydiiyaan xaalada dalka, balse, hadii ay dhacdo kolkaan, waxay noqoneysaa markii ugu horeysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM

UK iyo Maraykanka oo Ka Digay Jabsi Ka Dhacay Nidaamka E-Visa-ha Soomaaliya

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin faahfaahinta jabsiga ama tallaabooyinka la qaadayo.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 11:20AM