168 oo lagu dilay rabshado ka dhacay Suudaan
KHARTUUM, Sudan – Ugu yaraan 168 qof ayaa lagu dilay dagaal u dhexeeya Carabta iyo kuwa aan Carabta ahayn ee ka socda gobolka Darfur ee dalka Suudaan, sida ay sheegtay hay’ad gargaar oo Suudaani ah.
Adam Regal, oo ah afhayeenka isku xirka guud ee qaxootiga iyo barakacayaasha Darfur, ayaa sheegay Axadii in dagaalka ka socda deegaanka Kreinik ee gobolka Galbeedka Darfur ay sidoo kale ku dhaawacmeen 98 kale.
Waxa uu sheegay in iska horimaadku uu markii hore qarxay Khamiistii isagoo nin aan la garanayn uu ku dilay magaalada Kreinik, oo qiyaastii 30km (18 miles) bari ka xigta magaalada Genena, ee xarunta gobolka Galbeedka Darfur.
Iska horimaadka ayaa markii dambe gaaray Genena, halkaasoo kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen dad dhaawac ah oo lagu daweynayo isbitaalka weyn ee magaalada, sida uu sheegay Saalax Saalax oo ah dhaqtar iyo agaasimihii hore ee isbitaalka.
Sawirro la soo dhigay online-ka ayaa muujinay guryo gubanaya oo cirka u soo diraya qiiq madow halka kuwo kalena ay muujinayaan meelo wareeg ah oo carro gubtay oo aqallo ay taagnaayeen ka hor inta aan la shidin.
Warbaahintu si madax banaan uma ay xaqiijin karto xaqiiqada sawirada.
Guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta in ay xaqiijiyaan in si badbaado leh ay dhaawacyada ugu soo gaareen isbitaallada.
‘Janjaweed’
Axadii, kooxda gargaarka ayaa ku eedeysay maleeshiyada ay dowladda taageerto ee loo yaqaan Janjaweed inay soo abaabuleen weerarradii ugu dambeeyay.
Kooxda hubaysan ee Carabta u badan ayaa caan ku heshay horaantii 2000-meeyadii doorkii ay ku lahaayeen caburinta jabhadda qowmiyadaha tirada yar ee Darfur.
Qaar badan oo ka mid ah xubnahooda ayaa tan iyo markaas lagu daray ciidamada sida degdega ah ee loo baqayo, oo uu taliye u yahay General Mohamed Hamdan Dagalo, oo ah ku xigeenka hogaamiyaha Suudaan, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda.
Regal waxa uu sheegay in kooxda hubaysan ay toddobaadyadii la soo dhaafay “fuliyeen dil, gubasho, dhac, iyo jidh dil aan naxariis lahayn”.
Iskahorimaadka oo qarxay 2003-dii ayaa waxaa u dhexeeyay kooxaha mucaaradka ah ee laga tirada badan yahay oo ka cawday midab-takoor ka dhan ah dowladdii uu Carabtu ka talinayay madaxweynihii xilligaas Cumar Al-Bashiir.
Dowladda Al-Bashiir ayaa ka jawaabtay in ay sii deyso Janjaweed, oo inta badan laga soo shaqaaleysiiyay qabaa’il xoolo-dhaqato ah oo Carbeed, kuwaas oo lagu eedeeyay tacaddiyo ay ka mid yihiin dil, kufsi, dhac iyo gubasho tuulooyin.
Colaadda ayaa waxaa ku dhintay 300,000 oo qof, waxaana ku barakacay 2.5 milyan, sida lagu sheegay tirokoobyada Qaramada Midoobay.
Dagaaladii balaadhnaa ayaa ka yara degay guud ahaan gobolka Darfur, balse gobolkaasi ayaa weli ah mid hub badan, waxaana inta badan uu dagaalku ka qarxaa dhul daaqsimeed ama biyo ah.
Gobolka Darfur ee dalka Sudan ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay dagaalo lagu hoobtay oo u dhaxeeya qabaa’il iska soo horjeeda, iyadoo dalkaasi uu weli ka jiro qalalaase baahsan oo ka dhashay afgambigii sanadkii hore ka dhacay dalkaasi, markaasoo Janaraal sare ay afgambiyeen dowlad ay hogaaminayeen dad rayid ah.
Inqilaabkii Oktoobar ayaa kor u qaaday dariiqa jilicsan ee dimoqraadiyadda ka dib markii kacdoon dadweyne uu horseeday militariga inay afgambiyaan al-Bashiir bishii Abriil 2019.
GAROWE ONLINE