Abiy Axmed: Geeri baan ka xigaa in ay xilka wareejiyo

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa la sheegay in laga duubay cod qarsoodi ah xilli uu kulan la yeelanayey xubno ka tirsan xisbiga uu aas-aasay ee Barwaaqo-Saaran.

Wallow Addis Ababa ay beenisay, codkaan sirta ah ee laga qabtey Ra'isul Wasaaraha Itoobiya, Dr Abiy Axmed, waxa sii daysay warbaahinta Kello Media ee fadhigeedu yahay dalka Mareykanka.

Shir ay yeeshen xisbiga talada haya ee loo yaaqan Prosperity Party ayu Abiy Axmed hadal ka jeediyay kaasoo todobaadkan ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

"In doorashada dib ay udhacdo waxay fa'ido ogu jirtay xisbiga Prosperity Party" ayuu yiri Abiy Axmed, asago sidoo kale raaciyay "way adag tahay in la khiyaaso wixii dhici lahaa hadii Covid-19 uusan jiri lahayn, doorashadan ay wakhtigeeda ku dhici lahayd".

Asago hadalkiisa wata ayuu ka dhawaajiyay "Dhimasho ayan ka xigaa in aan xukunka wareejiyo", waxa durba shirka is qabsaday sacabka iyo mashxarada xubnaha ka tirsan xisbiga ee meesha fadhiyay.

Itoobiya ayaa hadda wajaheysa qalalaase iyo colaad ka oogan gobolka Tigray halkaasoo ay ku nafwaayeen boqolaal shacab iyo askar isugu jira ayna ku barakaceen kumanaan kale oo u qaxay wadanka Sudan.

Abiy ayaa wajahaya cadaadis xoogan oo ku saabsan in uu maxkamadeeyo shaqsiyaadkii ka dambeeyay xadgudubyo la sheegay in ay ka dhaceen gobolkaas kuwaasoo isugu jira dil wadareedyo iyo kufsi wadareed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya: Cabsi xoog leh oo soo wajahday Soomaalida ku nool Nairobi

Goobaha Ganacsiga ayaa xirnaa Maanta magaaladda Nairobi qeybo kamid ah, gaar ahaan Suuqa Islii, oo banaanbaxa uu ka dhacay.

  • Afrika

    24-10-2024

  • 01:43PM

Goob Soomaali Ku Caweyso oo Lagu Xiray Amarka Wasaaradda Deegaanka Kenya

Ololahan cusub, oo ay horkacayso qeybta booliiska ee NEMA, ayaa la doonayaa…

  • Afrika

    23-10-2024

  • 02:58PM