Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo 15 carruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti
JABUUTI — Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan 15 carruur ah, ayaa ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti ee Geeska Afrika, halka tobannaan qof oo kale weli la la’yahay, sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM).
Doonida ayaa siday 305 qof, waxaana in ka badan 80 qof laga soo badbaadiyey meel u dhow deegaanka Guehere, oo ku yaalla waqooyiga magaalada dekedda leh ee Obock. Dhammaan dadka la soo badbaadiyey ayaa ahaa muwaadiniin Itoobiyaan ah, sida ay sheegtay IOM.
Doonida ayaa ka shiraacatay Jabuuti kuna sii jeeday Yemen, balse waxay degtay habeenkii Khamiista, sida ay xaqiijisay hay’addu. Hawlgallada baadi-goobka iyo samatabbixinta ayaa socday, iyadoo ay sii kordhayeen walaaca laga qabo dadka weli la la’yahay.
Jimcihii, waxaa la helay meydadka 52 nin, 42 haween ah, sagaal gabdhood iyo lix wiil. Axaddii, waxaa la soo helay 30 meyd oo kale, taasoo tirada guud ee dhimashada gaarsiisay ugu yaraan 139 qof.
Musiibadan ayaa ka mid ah shilalka doonyaha tahriibayaasha ee ugu dhimashada badnaa ee muddooyinkii dambe laga soo sheegay marinka u dhexeeya Geeska Afrika iyo Jasiiradda Carabta. Kumannaan muhaajiriin ah ayaa sannad kasta isku daya inay maraan waddadan khatarta badan, iyagoo doonaya inay shaqo ka raadsadaan dalalka hodanka ah ee Khaliijka.
Socdaalkan halista badan ayaa sii socda inkastoo ay Yemen ka jiraan dagaallo iyo colaado sii xoogeysanaya, iyadoo dalkaasi ku yaalla dhinaca kale ee marinka badda ee ay tahriibayaashu ka gudbaan.
Muuqaal ay IOM baahisay ayaa xeebta ku muujinayey alaabooyin gaar ah oo loo malaynayo inay lahaayeen muhaajiriinta, oo ay ku jiraan kabo, taasoo muujinaysa raadadka musiibada.
Alexandre Coissac, oo ah madaxa howlgalka IOM ee Jabuuti, ayaa sheegay in musiibadani ay sababtay khasaare nafeed oo aad u weyn, isla markaana ay xusuusin u tahay khataraha ay la kulmaan dadka tahriibaya marka ay raadinayaan fursado dhaqaale.
Dhankiisa, agaasimaha guud ee IOM, Amy Pope, ayaa sheegtay in dadka aysan fuulin doonyo sidan oo kale ah haddii ay aaminsan yihiin inay haystaan waddo kale oo ammaan ah.
Waxay ku baaqday in dowladaha iyo deeq-bixiyeyaashu ay tallaabo qaadaan ka hor inta aysan dhicin musiibo kale, iyadoo carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leeyihiin waddooyin sharci ah oo ammaan ah oo dadka u suurtageliya inay u safraan dalal kale.
IOM ayaa sheegtay inay xarunteeda gurmadka ee Obock ku siinayso dadka ka badbaaday shilka gargaar degdeg ah, oo ay ka mid yihiin daryeel caafimaad, cunto, hoy iyo adeegyo ilaalin.
Sida laga soo xigtay mashruuca IOM ee dabagalka muhaajiriinta la la’yahay, in ka badan 900 oo muhaajiriin ah ayaa sannadkii hore ku dhintay ama lagu waayey waddadan u dhexeysa Geeska Afrika iyo Jasiiradda Carabta.
GAROWE ONLINE