Abiy Axmed: Itoobiya bad way rabtaa, laakiin dagaal ma dooneyso

Image
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay fadhi ay yeesheen baarlamaanka dalkaas.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Kumanaan askari oo Itoobiyaan ah ayaa gudaha Soomaaliya ku dhintay iyaga oo la dagaalamaya kooxda Al-Shabaab, sidda uu sheegay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

"Ma jiro qof u dhintay Soomaaliya oo aan ahayn Itoobiya," ayuu raaciyay xilli uu saaka ka hadlayay fadhiga Golaha Shacabka Itoobiya.

Isaga oo ka jawaabaya haddii Itoobiya ay dadaal ugu jirto in ay dagaal la gasho dalka jaarka yihiin ee Soomaaliya, Abiy ayaa xusay "in dalkiisu aanu wax niyad ah u haynin inuu waxyeeleeyo dalka ay jaarka yihiin ee Soomaaliya".

“Ma lihin wax qorshe aan ku dhibaateyno Soomaaliya… Waxaan rajaynaynaa in aan aragno Itoobiya oo ka faa’iideysanaya Soomaaliya iyo labadooduba oo barwaaqo ah,” ayuu yiri.

Waxa uu xusay in ay jiraan Soomaali badan oo ku nool dalka Itoobiya. Wuxuu tibaaxay in afar wabi oo Itoobiya ka baxa ay Soomaaliya ka caawiyaan wax soo saarka cuntada.

Abiy oo si weyn u difaacay heshiiskii uu la galay maamulka Somaliland waxa uu tilmaamay in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay kala hadalno cid kasta oo leh mabda’a ah ‘wax bixi oo qaado’.

Hadalka Abiy ayaa kusoo hagaagayaa maalin kadib markii madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku adkeystay in wadahadal la galayo Itoobiya kaliya marka ay ka noqoto hesiiska Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM