Abiy Axmed oo sheegay in Itoobiya aysan dagaal ku raadin doonin Dekad

Image

ADDIS ABABA - Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Khamiistii ku adkaystay in Itoobiya aysan danaheeda ku fulin doonin "dagaal" kaddib markii hadallo hore oo ku saabsan raadinta badda cas ay walaac ka muujiyeen gobolka.

"Waxaa jirta cabsi laga qabo in Itoobiya ay duulaan ku soo qaado ka dib markii dhawaan dalabaadkii xoogganaa ee naga soo gaaray dhanka badda," ayuu Abiy u sheegay kumanaan askari oo ku sugan Addis Ababa oo lagu xusayay maalinta ciidamada Qaranka.

“Waxaan rabaa in aan caddeeyo in Itoobiya aysan danaheeda dagaal ku gaari doonin, waxaa naga go’an in aan wada hadal iyo wada hadal ku helno danaha labada dhinac.

Horaantii bishan Abiy ayaa khudbad uu ka jeediyay taleefishinka ku sheegay in Itoobiya aan bad lahayn “waa umad jiritaankeedu ku xiran yahay badda cas” wuxuuna sheegay in ay u baahan yihiin inay helaan deked.

“Haddii aan qorsheyno in aan nabad ku wada noolaano, waa in aan helnaa hab aan ku wadaagno midba midka kale si miisaaman,” ayuu yiri.

Hadalkaasi waxa uu walaac ku abuuray goob-joogayaashii, gaar ahaana ka soo horjeedda xiisadda muuqata ee kala dhaxaysa Eritrea.

Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, ayaa lumisay xeebteeda ka dib markii Eritrea ay si rasmi ah ugu dhawaaqday madaxbannaanida 1993 ka dib dagaal saddex iyo toban sano socday.

Waxay ku raaxaysanaysay inay si toos ah u hesho deked ku taalla Eritrea ilaa ay labada waddan dagaallameen sannadihii 1998-2000 wixii ka dambeeyeyna waxay inta badan ku tiirsanayd Jabuuti waxna ka soo dejinayeen iyo kuwo ka dhoofinayey.

Abiy ayaa sannadkii 2019-kii ku guulaystay abaal marinta caalamiga ah ee Nobel Prize ka dib markii ay isku soo dhawaadeen sannadkii hore isaga iyo Ereteriya, oo ay ciidamadeedu markii dambe ka barbar dagaalameen ciidammada dawladda Itoobiya dagaalkii ba’an ee labadii sano ee la soo dhaafay ka socday Tigrayga.

“Itoobiya waligeed lagama adkaan, lagana adkaan doono mustaqbalka,” Abiy ayaa sidaas yidhi Khamiista, isaga oo intaa ku daray: “Itoobiya weligeed dalna kuma soo duulin, mustaqbalkana ma samayn doonto.

“Ciidanka Itoobiya ujeedkoodu ma aha in uu weeraro oo cid kale ku duulo, balse ujeedkoodu waa in uu dalka difaaco," ayuu yiri Abiy.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mas'uuliyiin oo ka tirsan Dowladda Kenya oo lagu Afduubtay xadka Soomaaliya

Sidoo kale, kooxaha Al-Shabaab ayaa horey ugu afduubtay dad shisheeye oo ay ka mid yihiin dhakhaatiirta Cuban ee 2019.

  • Afrika

    03-02-2025

  • 11:16AM

Kenya oo feejignaan sare ku jirta kadib markii cudurka Ebola ka dilaacay Uganda

WHO ayaa sheegtay in heerka dhimashada ee dadka qaata cudurka Ebola uu u dhexeeyo 50% ilaa 89%, iyadoo ku xiran noocyada fayraska.

  • Afrika

    02-02-2025

  • 05:57PM