Abiy Axmed oo u digay dadka hurinaya colaada Qowmiyaha Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Itoobiya - Ra'iisul Wasaarada dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa soo saarey digniin culus oo uu diray dad uu sheegay inay yihiin kuwa hurinaya colaadda Qowmiyadaha kala duwan ee ku nool dalkiisa.

Inkastoo uusan magac-dhabin Abiy Axmed xubnaha uu fariintaan u diray hadana wuxuu sheegay in dowladiisu ay gacan bir ah ku qaban doonto hadii dadka uu eedeeyay aysan ka waan-toobin ficiladda ay wadaan.

"Waa baaqii nabadeed ee ugu dambeeyay ee ku wajahan kuwa caadeystay waxa laga xishooda oo ah inay hurinayaan colaada Qowmiyaha Itoobiya. Hadii aysan ka waan-toobin dowladdu wax aysan jeclaysan inay sameyn doontaa," ayuu yiri Abiy Axmed.

Hadalka Abiy Axmed wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ay wali ka taagan tahay dalka Itoobiya xiisad colaadeed oo u dhaxeysa Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda, taasoo galaafatay nolasha dad badan.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, xiisadda ayaa waxaa ku dhintay tobaneeyo qof, kadib dagaalo qaraar ah oo magaaladda Mooyaale ee dalka Itoobiya ku dhex-maray Malayeshiyaad Soomaalida iyo Oromada kala taabacsan.

Moyaale waxay ku taallaa xadka Kenya iyo Itoobiya, waxana colaadda ka taagan ee u dhaxeysa Soomaalida iyoo Oromada salka ku haysaa aanooyin qabiil iyo lahaanshaha dhulka.

Dhinaca kale, wararka laga helayo Magaaladda Negeyle ee dalka Itoobiya waxay sheegayaan in halkaas ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, taasoo dadka deegaanka ku qasabtay in aysan guryahooda kasoo bixin.

Itoobiya ayaa la daalaan-dhaceysa wax ka qabashadda colaad beeleedyo, taasoo sababtay inuu Xafiiska yimaado Abiy Axmed, islmarkaana uu iscasilo Hailemariam Desalegn bishii Febuary markii uu wax qaban waayay rabshada wali qeybo kamid ah dalkaasi ka taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM