Aamusnaanta Midowga Afrika ee qorshaha Masar ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya oo su’aalo dhalisay

Image

MUQDISHO — Dowladda Masar ayaa qorshaynaysa inay ciidamo milatari u dirto Soomaaliya iyadoo marka hore ku imanaysa heshiis iskaashi oo laba geesood ah, kaddibna ku biirinaysa qiyaastii 1,000 askari Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), sida uu qoray wargeyska The EastAfrican. Qorshahan ayaa imanaya iyadoo Midowga Afrika uusan weli si cad uga hadlin qaabka ciidamada Masar ula shaqayn doonaan kuwa kale ee hawlgalka ka jooga dalka. 

Sida ay warbixintu sheegtay, ciidanka ugu horreeya ee Masar ayaa la filayaa in la geeyo gobolka Shabeellaha Dhexe, waqooyiga Muqdisho, iyadoo deegaanka Ceelcade ee u dhow garoonka diyaaradaha Cisiley lagu sheegay goob suuragal ah oo laga samayn karo xarun talis milatari. Aaggaas waxaa hadda ku sugan ciidamo Burundi ah oo qayb ka ah hawlgalka Midowga Afrika. Masar weli si rasmi ah uma shaacin tirada guud ee ciidamada ay Soomaaliya u soo dirayso. 

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in qorshuhu dhalinayo su'aalo la xiriira maamulka ciidamada, isku-duwidda hawlgallada, saadka iyo cidda mas'uuliyadda qaadaysa haddii ciidamada Masar ay ka hawlgalaan goobo ay joogaan cutubyo kale oo shisheeye. Afhayeenka AUSSOM, Irchad Housseine Djoubeiri, ayaa sheegay in hawlgalku uusan ka hadlayn qorshaha Masar, isaga oo su'aalaha u gudbiyey xarunta Midowga Afrika ama Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wargeysku wuxuu sheegay inuusan jawaab degdeg ah ka helin Midowga Afrika iyo wasaaradda gaashaandhigga Masar. 

Masar ayaa bishii Diseembar 2024 loo qoondeeyey 1,090 askari oo ka qayb qaata AUSSOM, hase yeeshee ka qaybgalkeeda ayaa dib u dhacay, iyadoo maalgelinta iyo caqabadaha hawlgalka lagu sheegay sababaha ugu waaweyn. Qorshaha hadda la soo sheegay ayaa dhigaya in ciidamadu marka hore ku yimaadaan heshiis toos ah oo ay la galeen Soomaaliya, ka hor inta aan qayb ka mid ahi si rasmi ah ugu biirin hawlgalka Midowga Afrika marka oggolaanshaha loo baahan yahay la helo.

Dhanka kale, afhayeenka ciidamada Burundi, Major Roger Ndayibasa, ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku shaqeeyaan nidaamka saadka ee Qaramada Midoobay, isla markaana aysan ku shaqayn doonin heshiis iskaashi oo laba geesood ah. Wuxuu intaas ku daray in Burundi ay diyaar u tahay inay baxdo marka ciidamo beddela la helo. Hadalkan ayaa muujinaya suurtagalnimada caqabado ka dhalan kara kala-guurka haddii aan la isla meel dhigin xil-wareejinta iyo qaybinta mas'uuliyadaha. 

Qorshaha ciidamada Masar ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli ay sii xoogaysanayaan loollanka istaraatiijiyadeed ee Masar iyo Itoobiya, gaar ahaan muranka biyaha webiga Niil iyo marin-u-helidda Badda Cas. Itoobiya ayaa la sheegay inay Soomaaliya kala baxday 3,000 oo askari, taas oo wax ka beddeli karta isu-dheellitirka amniga gobolka. 

Masar iyo Soomaaliya ayaa sannadkii 2024 kala saxiixday heshiis iskaashi milatari, waxaana Qaahira ay sheegtay inay taageerayso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in dib-u-dhaca ku yimid imaatinka ciidamada Masar uu la xiriiro habraacyada farsamo, saadka iyo maalgelinta, halkii uu ka ahaan lahaa caqabad siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM

Dagaalka Moyale oo sii xoogeysanaya, kumannaan qofna u qaxey dalka Kenya

Si kastaba, saraakiisha gargaarku waxay ka digayaan in sahayda jirta aysan dabooli karin baahida sii kordheysa.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:47AM