Abiy Axmed oo warqad raaligelin ah u diray Bangiga Horumarinta Afrika

Image
Xiriirka Itoobiya iyo Bangiga ayaa si weyn hoos ugu dhacay 19-ka Diseembar 2023.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa sheegay in uu "raali-gelin rasmi ah ka helay" Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed "isagoo ku hadlaya magaca dawladda Itoobiya".

Sida laga soo xigtey AfDB, tani ayaa waxay keentay in bangiga uu go'aansado in dhammaan shaqaalihii caalamiga ahaa ay uu dib u bilaabaan shaqadooda ​​caadiga ahayd ee Itoobiya.

AfDB oo ka howlgala inta badan dalalka qaarada Afrika waxa ay Itoobiya kala baxday dhammaan shaqaalihiisa caalamiga ah taariikhda markii ay ahyad 19-ka Diseembar 2023.

Go'aankaas yaaa yimid markii laba ka mid ah shaqaalaheeda fadhigoodu yahay Addis Abeba la xiray, jir dil loo geystay oo saacado badan xabsiga ku hayeen xubno ka tirsan ciidamada ammaanka.

Illaa haatan, fahfaahin rasmi ah lagama bixin waxyaabaha dhabta ah ee sababay talaabadaas. Warbaahinta Itoobiya ayaan wax tafaasiil ah ka bixin dhacdadaas iyo sababta dhabta ah ee ka dambeysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Axmed oo digniin diray: 10 jeer ka feker inta aadan kusoo duulin Itoobiya

Soomaaliya ayaa uga jawaabtay arrintan iyadoo xoojisay xiriirka milatari ee ay la leedahay Masar.

  • Afrika

    27-01-2025

  • 11:10AM

Itoobiya oo ka heshay $1.5 bilyan dollar dahabka ay dhoofisay mudo 6 bilood

Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si buuxda looga ka faa’iidaysto kheyraadka dalka, si loo gaaro barwaaqo.

  • Afrika

    23-01-2025

  • 10:32AM