Abiy Axmed: Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo u goodiyey TPLF

Image

ADDIS ABABA, Ethioppia — Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta wacad ku maray inuu iska caabin doono weerarada “cadowga” Ethiopia, kadib markii mucaaradka gobolka Tigray ay billaabeen howlgal cusub oo ay ku qabsanayaan dhulal.

“Waan is-difaaci doonnaa, iskana caabin doonnaa weerarada cadowgeena gudaha iyo dibedda, annaga oo sidoo kalena ka shaqeyn doonna dadaallada bani’aadannimo,” ayuu Abiy ku yiri bayaan lagu daabacay twitter-ka.

Ciidamada Tigray ayaa toddobaadkan soo cusbooneysiiyey weerarada ay ka fulinayaa gobolka Tigray ee waqooyi, ayaga oo guulo ka sheegtay dagaalo dhowr ah, laba toddobaad kadib markii dowladda federaalka ay ku dhowaaqday xabad-joojin hal dhinac ah.

Waxay tani ka dambeysay qabsashadii ay kula wareegeen magaalada caasimadda ah ee Mekelle, taasi oo weji cusub u yeeshay dagaalka sideedda bilood ka socda gobolka Tigray, oo ay ku dhinteen kumanaan qof, boqolaal kun oo kalena ay ku barakaceen.

Abiy, oo horey ugu guuleystay abaal-marinta Nobel, balse go’aankii uu dagaalka ku aaday ay kasoo gaartay sumcad-darro, ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inay soo afjarto colaadda, xitaa haddii ay taas “qiimo” ku kacdo.

“Waxaan xabad-joojin hal dhinac ah u qaadanay inaan ka fogaano dagaallo kale oo dheeraad ah, oo aan dadka u neefino, inta lagu guda jira xilliga beerashada, islamarkaana ogolaano in howlgalka gargaarka uu socdo qiil la’aan,” ayuu yiri Abiy.

“Shacabkeena, sida ay horey u muujiyeen, waa inay u midoobaan sida hal ciidan oo kale, si ay u xaqiijiyaan bad-baadada dalkeena, oo ay taageeraan Ciidamada Difaaca Qaranka Ethiopia, oo ay iska difaacaan iskana caabiyaan cadaadiska dibedda iyo daan-daansiga gudaha,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Ciidamada Tigray-ga ayaa sheegay inay dagaalka sii wadi doonaan illaa xuduudaha gobolka ay kusoo noqdaan sidii ay ahaayeen kahor dagaalka, ayna la wareegaan magaalooyinka weli gacanta ugu jira ciidamada dowladda iyo kuwa gobolka Amxaarada.

AFP

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM