Abiy Axmed: Sidii Mangiste TPLF uguma cararayo Itoobiya
ADDIS ABABA - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa sheegay in uusan meelna uga socon Itoobiya, islamarkaana uu u dhiman doono difaacideeda.
Isagoo ka hadlay kulan wararka been-abuurka ee laga faafiyo dagaalka Itoobiya, ayaa Abiy yiri: Aniga labo dal ma lihi, mana uga carari doono TPLF Itoobiya, cashar baan ka baraney khal-khal gelintii lagu sameeyay Mangiste, ee dalka isaga cararay 1991".
Mangiste ayaa xukunka Itoobiya haystay intii u dhaxaysay 1977 illaa 1991.
Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya ay guuleysan doonto, islamarkaana ay ka gudbayso caqabadaha Maanta haysta, oo ah dagaalka TPLF kusoo qaadey dowladda.
Wuxuu Abiy beeniyay in TPLF usoo jirsatay Addis Ababa 200 oo Mile, isagoo arintaas ku tilmaamay war been ah oo ay baahiyeen warbaahinta reer galbeed, ee danaha gaarka ka leh Itoobiya inay burburto.
Abiy Axmed wuxuu shacabka ugu baaqey inaysan dheg-jalaq u siinin wararka lagu cabsi gelinayo ee ah in la ridayo dowladda iyo inay TPLP kusoo dhawaatay Caasimadda, isagoo ka dalbadey dadweynaha inay difaacdaan dalkooda.
Itoobiya ayaa waxaa ka taagan dagaal mudo ka badan hal sano, kaasoo galaaftay nolosha kumanaan qof oo ku dhintay intooda badan gobolka Tigray, ee waqooyiga ku yaalla halkaasoo ay colaadda kasoo billaabatay dhamaadkii 2020.
Beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa isku dayaya inay joojiyaan dagaalka, islamarkaana miiska wadahadalka lagu dahmeeyo dagaalka socda, oo khatar gelinaya xasiloonida gobolka Geeska Afrika.
GAROWE ONLINE