Abiy oo ka digay colaad "laga dhex-hurinayo" Sudan iyo Ethiopia

Image
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku waaniyay in ay joojiyaan "dhinacyadda ka shaqeynaya falalka guracan".

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa u digay dhinacyo uu sheegay in ay ka shaqeynayaan hurinta colaadaha iyo in ay halis galiyaan xiriirka u dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan, isaga oo ugu baaqay in ay ka waantoobaan "falalka gurracan".

Hadalka RW Abiy ayaa kasoo horjeeda warbixin ay qortay warsidaha Al-Sudani, taasoo lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay duulaan iyo weerar ku qaadeen gobolka lagu muransan yahay ee Al-Fashaqa "iyagoo ka faa’ideysanaya xasillooni darrada ka jirta".

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Abiy ku caddeeyay in darafyo uusan carabaabin  ay faafinayaan eedeymo been abuur ah si ay faa’iido siyaasadeed uga helaan xilligan xasaasiga ah oo ay dadka Itoobiya iyo Suudaan wajahayaan caqabado badan.

“Waxay ku andacoonayaan in Itoobiya ay ciidamadeeda soo gelisay xuduudka Suudaan. Waxaanu si adag u cambaaraynaynaa eedaymahan lagu doonayo in lagu wiiqo xiriirka derisnimo ee ka dhexeeya labada dal," ayuu ku yiri bayaankiisa.

Abiy Axmed ayaa tibaaxay in Itoobiya ay ku kalsoon tahay in dadka Suudaan aysan ku dhaqmin eedeymahan oo kale ee wax u dhimaya xiriirka labada dal. "Dhammaanteen waxaan rajeyneynaa nabad iyo xasillooni in ay kusoo laabato Suudaan," ayuu tibaaxay.

Dhulka lagu muransan yahay ee Al Fashaga ayaa ahaa halka ay ka taagneyd xiisad xudduuddeed oo aad u xooggan oo u dhaxeysay labada dal ee Itoobiya iyo Suudaan muddo haatan laga joogo 33 sano.

Sannadkii 2020 ka dib markii uu bilaabmay dagaalka sokeeye ee gobolka Tigray, Itoobiya waxay ku eedaysay Suudaan inay ka faa'iidaysanayso mashquulka ciidankeeda iyo duullaan ku tahay dhulalka ku yaal xudduudaha Itoobiya.

Labada dal ayaa tan iyo markaas ku heshiiyey in si nabad ah lagu xaliyo arrimaha ku saabsan muranka muddada dheer ka taagnaa dhulka Al-Fashaga. Hase ahaatee, illaa waqti-xaadirkan ma jiro heshiis kama dambeys ah oo laga gaarey goobtan muhiimka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM