Abiy oo xiray safaarado xilli ay jirto colaadda gobolka Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Itoobiya ayaa bilawday hirgelinta amarkii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee ahaa in la xiro dhowr safaaradood iyo qunsuliyado, sida uu wariyey wargeyska Addis Standard. Talaabadan waxay yareyneysaa joogitaanka shisheeyaha.

Horey xukuumadda waxay dib ugu yeertay diblumaasiyiin dhowr ah Talaabadan waxaa la sheegay in looga golleeyahay yareynta qarashaadka "howlgalada," sida uu caddeeyay ra'iisul wasaaraha cakiran ee Abiy Ahmed oo xafiiska joogay tan iyo 2018.

Horraantii toddobaadkan, Abiy wuxuu kala soo baxay Ciidanka Difaaca Qaranka ee Itoobiya [ENDF] gobolka Tigree ka dib dagaal qaraar, wuxuuna ka dhawaajiyey in aysan jirin sabab lagu maalgeliyo "ergooyinka shisheeye ee si raaxo leh" uga hawlgeli kara gudaha waddankan dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo la hadlay Addis Ababa Standard, ugu yaraan 18 ka mid ah shaqaalaha Safaaradda Itoobiya ee Washington, DC ayaa dib loogu yeeray. Shan xubnood oo ka tirsan Ergada Joogtada ah ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale dib loo soo celiyeyy, kaliya waxaa haray seddex.

Addis Standard ayaa sidoo kale ka ogaatay ilo wareedyo u dhaw in qunsuliyadaha Ethiopia ee Los Angels, Frankfurt iyo Minnesota in la xiri doono xafiisyadooda shaqaalahoodana dib loogu celin doono dalkooda".

Qunsuliyadda Minnesota, Mareykanka, waxaa la furay 2018 wax yar uun ka dib markii Abiy Ahmed, oo ah ninka ku guuleysta abaalmarinta Nobel Peace Prize ee 2019, uu xafiiska qabtay.

Nasiib darro, waa mid ka mid ah darafyadda ay saameeyeen ay saameeyeen xiriirka sii xumaanaya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo dowladda Itoobiya.

Sikastaba ha ahaatee, Abiy Axmed ayaa lagu waddaa in uu hortagpo Golaha Wakiilada bilowga todobaadka soo aadan, halkaas oo uu kaga jawaabay arimo dhawr ah oo horyaala dalka Geeska Afrika, oo ay ka mid yihiin xirista safaarado iyo soo celinta diblumaasiyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM