Abiy oo hanjabay xilli colaada Tigray ay karaar qaadatay

Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu sheegay in dowladdiisu si fudud u qori karto hal milyan oo dagaalyahan cusub balse uu doonayo in xaalad aamusnaan ah laga rido gobolka colaaduhu la dageen ee Tigray.

Abiy Ahmed waa ku guuleystaha Nobel Peace Prize 2019. Hadalkiisa ayaa yimid todobaad kadib markii caasimada Tigreega ee Mekele ay gacanta u gashay ciidamada difaaca ee Tigreega (TDF). Xukuumadda Abiy waxay kadib ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah.

TDF ayaa ku tilmaamtay qabashadii Mekele iyo inta kale ee gobolka waqooyiga ee Tigray guul weyn, halka Abiy iyo saraakiisha kaleba ay ka hor yimaadeen in ciidamada federaalku ay sameeyeen dib u gurasho istiraatiiji ah si diirada loo saaro khatar kale oo kusoo fool leh.

"Hal, labo ama seddex isbuuc gudahood, 100,000 oo tababaran, hubaysan oo abaabulan ciidamo gaar ah ayaa la abaabuli karaa," ayuu Abiy u sheegay xildhibaanada.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Haddii la dhaho xoog gaar ah kuma filna, haddii loo baahan yahay maleeshiyo, hal bil ama laba bil gudahood nus malyuun maleeshiyo ah ayaa la abaabuli karaa. Hal milyan oo dhalinyaro ah ayaa la abaabuli karaa lana tababari karaa".

Hase ahaatee, Abiy ayaa sidoo kale wuxuu si aan gambasho lahayn uu daaha uga rogay in saraakiishu ay "go aansadeen in ay jirto waqti aamusnaan ah oo qof walba uu fakarayo".

Hogaamiyaasha Tigreega ayaa Axadii soo saaray jawaabtii ugu horaysay ee rasmiya kuna saabsan baaqii xabad joojinta ee Abiy, iyagoo sheegay inay aqbali doonaan oo kaliya hadii xoogaga ka socda Eriteriya iyo kililka Amxaarada ee Itoobiya - oo iyagu taageerayay ciidanka Itoobiya - ay sidoo kale ka baxaan gobolka.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in lasoo oogo dacwaddo in lagula xisaabtamo Abiy iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki wixii "waxyeelo ah" ee soo gaadhay intii uu socday dagaalka, "kaas oo ay ka muuqatay xasuuq bahalnimo iyo rabshado jinsi oo baahsan".

Sikastaba ha noqotee, Abiy ma uusan soo hadal qaadin shuruudahaas. Taas bedelkeeda, wuxuu diiradda saarey sidii uu eedeyn ugu jeedin lahaa dadyow uusan magacaabin kuwaas oo uu ku sheegay in ay yihiin cadow doonaya in ay arkaan "Itoobiya oo si daran u liidata".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM