Afar boqol qof oo xabsi daa'im loogu xukumay dilka madaxwayne

Image
Hogaamiyahan ayaa dhintey kadib markii uu iska-hor-imaad ku qabsadey furin dagaal uu booqdey.

KIGALI, Rwanda - Maxkamad ku taal dalka Chad ayaa ku xukuntay in ka badan 400 oo fallaago ah xukun xabsi daa’in ah kadib markii lagu helay in ay ku lug-lahaayeen geeridii madaxweynihii hore ee waddankaas Idriss Deby Itno.

Xukunka xubnaha fallaagada FACT (Front for Change and Concord in Chad) waxaa go'aan kama dambeys ah ka gaartey Rugta Dambiyada ee Khaaska ah ee Maxkamadda Racfaanka ee N'Djamena.

440-ka eedaysane oo maxkamadda kasoo muuqdey intii uu kiiskan taagnaa, 24 kamid ah ayaa dib u helay xorriyadooda markii dambi lagu waayay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Chad.

Hogamiyaha FACT Mahamat Ali Mahadi iyo eedaysanayaasha kale waxaa lagu xukumay xabsi daa’in oo ay ku muteysteen argagixisanimo, calooshood u shaqeystayaal, halis geliyey nolosha madaxa qaranka iyo in caruurta aan qaan-gaarin lagu qorin ciidanka,” ayay wakaaladdu raacisay

Mahadi iyo lix qof oo kale ayaa xukunkan lagu riday iyagoo maqan. Waaran qabasho caalami ah ayaa loo soo saari karaa eedaysanayaashaas si ay u gutaan ciqaabta lagu riday.

Maxkamada ayaa sidoo kale ku amartay Mahadi iyo kuwa kale in ay bixiyaan 32.8 milyan oo doolar magdhow la siinayo dowladda Chad iyo 1 bilyan oo CFA faran ah oo la siinayo qoysaska madaxweynihii geeriyooday.

Maxkamadeynta ayaa bishii hore ka furmay caasimadda Chad ee N’Djamena iyadoo albaabadu u xiran yihiin. Fallaagada ayaa la qabtay 2021-kii intii lagu guda jiray iska horimaadyo ay ciidamada kula galeen waqooyiga dalkaas.

Deby oo dalka xukumayay muddo 30 sano ah ayaa ku dhintay jiidda hore dagaal ka dhacay meel dhowr boqol oo KM dhanka waqooyi ee caasimadda halkaas oo uu u tagay inuu booqdo ciidamada dagaalka kula jiray fallaagada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM