Ajanbi ka shaqeeyay Somalia oo laga goobayo Mozambique

Image

LONDON, USA – Muwaadin u dhashay Ingiriiska kaasoo horey uga soo shaqeeyay wadamo ku yaala qaaradda Afrika kuna jirto Soomaaliya ayaa lagu lagu waayey weerar ay dabley ku qaadey Hotel ku yaala magaalada Palma, gobolka Gabo Delgado ee waddanka Mozambique.

Philib Mawer oo sideed ku ahaa shaqaalaha shirkadda RA International ee ka howlgalayey hoteelka ayaa ahaa Maamulaha dhanka ganacsiga ee Hoteel-kan ku yaala gobolka hodanka ku ah gaaska.

Warbaahinta Sky News ayaa warisay in Mawer uu raacay kolanyo gaadiid oo isku daydey in ay ka baxsadaan goobta kadib markii ay dableyda weerarka qaraxyo iyo mid toos ah ku ekeysay Hoteel-kaas.

Afhayeen u hadlay shirkadda RA International ayaa shaaca ka dhigay in ay ku guuleysteen in ay helaan todobo kamid ah howlwadeenadooda balse ay wali la'yihiin hal shaqsi oo ah Philib Mawer.

"Waxaan ka shaqeynayaan oo aan hadaba ku howlan nahay raadka Mudane Philib Mawer. Waxaan ku rajo weynahay in aan helno isaga oo badqaba," ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka.

Maleyshiyadda Daacish ayaa dusha saartay mas'uuliyadda falkaas, waxaana ay intaas ku dareen in ay dileen in ka badan 50 qof oo ay kamid yihiin askar isla markaana ay burburiyeen dhismeyaal.

Mawer oo haysta waaya-aragnimo ka badan 20-sano oo ka tacaalida "cimilooyinka adag" ayaa meelaha uu kasoo shaqeeyay waxaa kamid ah Bariga Dhexe oo uu kamid yahay waddanka Yemen.

Dowladda Mozambique ayaa u muuqaneysa in ay ku guuldareysatay in ay si wax ku ool ah wax uga qabato weeraradda ka imaanaya kooxaha jihaad-aloosyaasha ah kuwaas oo si weyn ugu xooggan gobolka Gabo Delgado oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah sidda Gaaska ceyriinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM