Al-Shabaab oo Askar Kenyaan ah ku dishay Wajeer.

Image
Weerarkaan ayaa imaanaya iyada oo uu Maraykanku muwaadiniinta ugu digay in ay safraan dhulka xeebaha ah ee Kenya

NAIROBI, Kenya – Maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ayaa weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ku qaaday saldhig ciidanka amaanka Kenya ku leeyihiin degaan hoostaga Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya sida ay ku warantay warbaahinta Kenya.

Dablayda ayaa weerartay Xero Ciidamada kenya ku leeyihiin Degaanka Konton oo u dhow Tuulada Qorof Xaraar oo hoostagta Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari, waxaanala sheegay in weerarkaas lagu dilay Askar Kenyan ah kuwo kalena lagu dhaawacay.

Dadka degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in weerarka uu dhacay goor hore oo Talaadadii ah, isla markaana ay maqlayeen dhawaqa hubka cul culus oo ay is weeydaarsanayeen labada dhinac ee dagaalamay balse uusan jirin khasaaro gaaray dad rayid ah.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa waxaa ay sidoo kale sheegeen in degaanka Konton ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Kenya oo ka howlgalyay degankaas.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Magaalada Wajeer ayaan weli ka hadlin weerarkaas, wuxuuna kusoo beegmayaa xilli dhowr jeer oo hore Al-Shabaab sidaan oo kale ay weeraro ka geysteen degaano hoostaga Magaalooyinka Gaarisa iyo Wajeer ee dalka Kenya.

Weerarkaan ayaa imaanaya iyada oo uu Maraykanku muwaadiniinta ugu digay in ay safraan dhulka xeebaha ah ee Kenya sidoo kale baabuurta ayaa looga digay in ay ku safraan joog hoose.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab inkastoo ay ku guuldaraysteen in ay hor istaagaan rabshadaha kooxa hubaysan ee xiriirka la leh Al Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika oo Loo Magacaabay Taliye Cusub

Qaaradda Afrika waa mid leh dhaqaale si degdeg ah u kobcaya iyo bulsho da’yar ah oo rajo u ah dimoqraadiyadda.

  • Afrika

    16-08-2025

  • 09:02AM