Al-Shabaab oo Macalimiin ku dishay Kenya

Image

WAJEER - Sarkaal katirsan dowladda Kenya ayaa sheegay in Xoogaga katirsan Al Shabaab ay xalay saddex macalin ku dileen magaalada Wajeer, oo ku dhaw xuduuda Soomaaliya.

Maxamed Saalax, oo ah xiriiriyaha gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya ayaa xaqiijiyay in dabley hubaysan ay weerar ku qaadey Qarsa primary school kadibna ay dileen macalimiinta aan Muslim-ka ahayn.

Saalax ayaa intaasi ku daray in ciidamado gurmad ah oo ku baxay weerarka Iskuulka qarax miino lagula eegtay wadada, balse aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaarey.

Waxbarashada magaalooyinka ku yaalla xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa saameyn xooggan ku yeeshay weerarada Al-Shabaab, kadib markii macalimiinta Kirishtanka ah ay diideen inay halkaasi ka howlgalaan.

Al Shabaab ayaa 2014 weerar ay ku qaadey Gaari Bus ah duleedka Mandheera ku dishay macalimiin aan Muslim ahayn, iyadoo weerarkaasi baqdin ku abuuray Bariyaasha ka ka shaqeynayay Iskuuladda gobolka.

Tan iyo markii Kenya ay ciidamada usoo dirtay Soomaaliya sanadkii 2011 waxay Al Shabaab dalkaasi ka fulisay weeraro badan, oo kamid ahaa kuwii Westgate Mall ee Nairobi iyo Jaamacadda Gaarissa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM