Al-Shabaab oo weerar ka fulisay markii ugu horeysay dal ka baxsan Bariga Africa

Image

Tobban qof Rayid ah ayaa waxaa tuuladda Palma oo ku taalla dalka Mozambique, ku gowracay Rag hubeysan oo ay dadka deegaanka ku sheegeen inay ahaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidamada Booliska ee dalka Mozambique, Inacio Dina, ayaa sheegay in dhamaan dadka la dilay ay ahaayeen kuwa Shacab ah, islamarkaana uu weerarkaan dhacay maalintii Talaalada shalay ahayd.

Laakiin, wuxuu diiday inuu cid gaar ah ku eedeeyo weerarkaan, kaasoo dadka deegaanka ku tilmaameen inuu ahaa mid "argigixiso" islamarkaana ay ka muujiyeen baqdin xoog leh.

Wuxuu intaas ku daray afhayeenka inay billaabeen howlgalo lagu u gaarsanayo kuwa falkaan ka dambeeyay, isagoo tibaaxay in ku dhawaad 200 oo qof oo lala xiriirinayo falkaan ay soo xireen ciidamada amaanka.

Labo kamid ah dadka la dilay ayaa waxay ahaayeen Wiilal, kuwaasoo ay da'doodu u dhaxeyso 15 illaa iyo 16-sano. Sidoo kale, dadka la gowracay waxay u badnaayeen Rag da' ah, sida ay Boolisku sheegeen.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan ka dhacay Tuulada Palma oo ku taala xadka Mozambique iyo Tanzania, laakiin Tanzania ayaa mar sii horeysay sheegtay in xubno ka tirsan Shabaab ay ku dhuumaaleysanayaa baadiyaha dalkeeda.

Weerarkaan ayaa hadii la xaqiijiyo inay geysteen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo ay ka geysteen dal ka baxan Bariga Africa, waxayna sare u qaadeysaa cabsida awooda Kooxdan ee qaarada Afrika.

Dhawaan ayey ahayd markii Baarlamaanka dalka Mozambique uu meel-mariyay Hindisa-Sharciyeedka la dagaalanka argigixisada, kaasoo dhigayey in qofkii lagu qabto Falal argigixiso uu muteysan doono 24-sano oo Xarig ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM