Algeria oo u yeertay danjiraha u fadhiya magaalada Paris

Image
Dhawaqan ayaa ka dambeeyay kadib "hadal afgalaado ah" kana soo yeeray madaxwayne Emmanuel Macron.

ALGERIS, Algeria - Dowladda Aljeeriya ayaa waxay dib ugu yeertay safiirkeedii magaala madaxda Paris, iyada oo ku eedaysay Faransiiska faragelin aan la aqbali karin oo ka dhan ah arrimaheeda gudaha.

Xukuumadda Algeris ayaa waxay sheegtay in talaabadan ay kaga jawaabeyso faallooyin uu madaxweyne Emmanuel Macron ku sheegay wareysi uu siiyey wargeyska Le Monde ee Faransiiska.

Macron ayaa laga soo xigtay inuu yiri gumeystigii France wuxuu ku saleysanaa "nidaam siyaasadeed iyo milateri" oo leh taariikh rasmi ah oo aan ku saleysneyn run uusana mudneyn naceybka.

Khilaafka diblomaasiyadeed ayaa imanaya maalmo kadib markii Faransiisku hoos-u-dhigay tirada fiisooyinka ay siiso muwaadiniinta Aljeeriya iyo dalalka kale ee Waqooyiga Afrika.

Mr Macron oo wali aan sharaxin hadalkaas ayaa wuxuu horey mar ku tilmaamay gumeysiga Faransiiska ee dalka Waqooyiga Afrika ku yaal inuu yahay "dambi ka dhan ah aadanaha".

Dhawaqaas ayaa la rumeysan yahay in uu ka dhawaajiyey isaga oo isku dayay inuu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Aljeeriya tan iyo markii uu xafiiska qabtay 2017.

Faransiiska ayaa gumeystay Algeria. Balse, wuxuu isticmaarkaas soo idlaadey 1962-dii kadib kacdoon hubeysan oo ay sameeyeen shacabka iyo hogaanka dalkaas. Nidaamkaas wuxuu bilowday 1830-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM