Amiirkii Boko Haram oo lagu waramay in uu "is-dilay"

Image

ABUJA, Nigeria - Hogaamiyaha kooxda Boko Xaraam, Abubakar Shekau, ayaa is-dilay, sida ay cod la duubay ku sheegeen dagaalameyaal kamid ah Islaamiyiinta oo dhexdooda uu khilaaf ka dhex-qarxay.

Cod ay heleen wakaaladaha wararka ayaa maleyshiyaadka waxay ku sheegeen in Shekau uu dhintay isla markaana uu isku-qarxiyey waxyaabaha qarxa kadib dagaal dhexmaray laba garab oo ururka ah.

Shekau ayaa waxaa la sheegay inuu dhintay bishii hore waxaana la sheegay in horay loo dilay. Boko Haram iyo dowladda Nigeria midkoodna ma xaqiijin dhimashadiisa.

Iswap Abu Musab al-Barnawi, amiirka urur Islaamiga ah ee gobolka Galbeeda oo ka goostey Boko Xaraam, ayaa kasoo muuqdey codka kaasoo tibaaxaya in Shekau uu "isagu galaaftay noloshiisa".

"Waxaan siinay fursad ah in uu toobad keeno oo uu nagu soo biiro balse wuu diidey, wuxuuna isku xiray waxyaabaha qarxa isagoo ugu dambeyntii qaatay noloshiisa," ayuu ka dhawaajiyey Shekau.

Al-Barnawi oo luuqad adeegsanaya ayaa wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Shekau wuxuu doorbiday in lagu dulleeyo aakhiro intii lagu ceebeyn lahaa dhulka".

Markii ay soo baxeen warar sheegaya dhimashadii Shekau ee isku dhac bishii la soo dhaafay, ciidanka Nigeria waxay sheegeen in ay baari doonaan.

Afhayeenka ciidanka Brig Gen Mohammed Yerima ayaa BBC-da u sheegay xilliga ay ciidanku eegayeen waxa dhacay, laakiin wuxuu sheegay in aysan wax war ah ka soo saari doonin illaa iyo inta ay ka helayaan caddeyn rasmi ah.

Mid ka mid ah saxafiyiinta xiriirka dhow la leh hay'adaha amniga ayaa sheegay in Shekau uu dhintey markii jabhada ka goosatay weerareen fariisimo ay Boko Haram ku lahaayeen kaymaha Sambisa, waqooyi-bari Nigeria.

Dhowr jeer oo hore ayaa la soo sheegay inuu dhintay, laakiin dib ayay kasoo baxeen sheegashooyin ku saabsan in uu nool yahay. Boko Xaraam waxay Nigeria ka geysatay weeraro horseeday dhimasho badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Zimbabwe oo hilib maroodi u qeybinaysa dadka abaaraha saameeyay

Go’aankan ayaa qayb ka ah qorshe lagu xakameynayo tirada maroodiga ee ku nool keymaha dalkaas.

  • Afrika

    09-06-2025

  • 09:17AM

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed: Ethiopia wali kama quursan baadi-goobka Badda

“Dalka aan 120 milyan qof ka kooban yahay oo ku xeeran biyo, waa xaq iyo cadaalad in loo helo marin badeed,” ayuu yiri.

  • Afrika

    09-06-2025

  • 07:41AM