Arday Soomaali ah oo ku go'doonsan magaalada Mek'ele

Image
Xubin ka tirsan Ciidamada Gaarka ah ee Amxaarada oo waardiye ka ah waddo kuvtaala magaalada Humera. [Photo: REUTERS/Stringer]

ADDIS ABABA, Ethiopia - Arday Soomaali ah ayaa waxaa lagu waramay in ay ku go'doonsan yihiin magaaladda Mek'ele ee caasimadda ismaamulka Tigray halkaasoo iska-hor-imaadyo qaraar ay ka socdeen.

Qaarkood waxay sheegeen in ay wajahayaan "xaalad xabsi kor ka furan". Tirro kamid ah waxaa laga soo xigtey in ay la'yihiin meel ay ka baxsadaan iyo cid gurmad u fidisa.

Colaada ka oogan waqoyga waddanka Itoobiya oo kusii fiday qaar kamid ah ismaamulada kale ee deriska la ah ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay isku bedesho dirir sokeeye.

Bishan Julaayo 18-keeda sanadkan 2021, Ismaamulka Soomaalida ayaa ciidamo ku biiriyey gulufka ka dhanka ah xoogaga TPLF ee dagaalka kula jira xukuumadda Abiy Axmed Cali.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa Sabtida asbuucii hore hogaamiyey sagootin loo sameeyay ciidamaddan taasoo ka dhacdey magaala madaxda Soomaali Galbeed ee Jigjiga.

Talaabadan ayaa daba socota baaq ay xukuumadda Abiy Axmed u dirtey dowlad goboleedyadda oo ku saabsan in ay ciidamo ku taageeraan gulufka ka dhanka ah jabhadda TPLF ama TDF.

TPLF ayaa dhowaan dib ula wareegtay caasimadda Maqale kadib bilooyin ay la dagaalamayeen ciidamadda federaalka oo kusoo duulay degaankooda bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM