Askar Itoobiyaan oo lagu helay "dambiyo" ay ka geysteen Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dacwad oogayaasha militariga Itoobiya ayaa sadex askari waxay ku heshay kufsi waxayna soo oogeen dacwado ka dhan ah 28 kale oo looga shakisanyahay inay ku dileen dad shacab ah dagaalada ka socda waqooyiga gobolka Tigray, sida uu shaaca ka dhigay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Ethiopia.

Intaa waxaa dheer, 25 askari oo kale ayaa loo haystaa kufsi iyo noocyo kale oo xadgudub jinsi ah, sida lagu sheegay bayaan uu xafiiska soo saarey Jimcihii asbuucii lasoo dhaafay.

Colaada Tigrey oo lix bilood jirsatay ayaa sababay dhimashada kumanaan qof iyo xasuuqyo ay ka mid yihiin kufsi, dilal sharci daro ah oo wadareed ah, iyo qasab lagu barakaciyey dadwayne, sida ay sheegeen maamulka deegaanka iyo kooxaha gargaarka kuwaasoo ku baaqaya baaritaano madax-banaan oo daahfuran.

Bayaanka xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay warbixinada laba xasuuq oo ka dhacay Tigray. Waxay sheegtay in 229 qof oo rayid ah lagu dilay magaalada Mai Kadra bilowgii bishii Nofeembar. Balse ma aysan carabaabin cida rasmi ahaan ka dambeysey wallow lagu eedeeyay ciidamada Itoobiya iyo Eritrea.

Intaa waxaa dheer, dowladda Itoobiya waxay markii ugu horreysay ku eedeysay ciidammo ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea inay dileen dad rayid ah oo ku nool gobolka uu dagaalka ka dhacay

Xukuumadda fadhigeedu yahay Addis Ababa ayaa intaas ku dartey in 110 qof oo rayid ah lagu dilay magaalada Axum bishii November 27 iyo 28 “oo ay dileen ciidamada Eriteriya”.

"Baaritaanku wuxuu muujinayaa in 70 qof oo rayid ah lagu dilay magaalada [Axum] intii ay bannaanka joogeen," ayaa lagu yiri warbixinta, iyadoo intaa ku dartay in qaar ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen "dagaalyahanno aan caadi ahayn".

Warbixinta ayaa lagu daray: "Afartan qof oo rayid ah ayaa umuuqda in lagala baxay guryahooda laguna dilay weerar guri-guri ah oo ay qaadeen ciidamada Eritrea".

Colaadda Tigray ayaa qarxday horraantii bishii Nofeembar markii Abiy uu u diray ciidammo xiritaanka iyo hub ka dhigista hogaanka xisbiga maamulka gobolka, ee loo yaqaan ‘Tigray People’s Liberation Front (TPLF)’. Abiy wuxu sheegay in tilaabadan ay jawaab u ahayd weeraradii kooxda TPLF ay ku qaaday xeryaha askarta federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM