Askar Kenyan ah oo ku dhaawacmay weerar jidgal ah

Image

NAIROBI, Kenya - Saddex sarkaal booliis ah ayaa subaxnimadii Talaadada maanta ah lagu dhaawacay markii dabley hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab ay weerareen gaarigii ay wateen oo marayey deEgaanka Bambahowla ee Gobolka Mandheera.

Gaariga booliska ee ka yimid saldhigga booliska ee Wargaduud ayaa ku sii jeeday Ceelwaaq. Darawalku wuxuu ku guuleystey inuu dhex maro laakiin weerarka waxaa ku dhaawacmay labo kamid ah askarta Kaydka iyo ku simaha Taliyaha Saldhigga.

Dhaawacyadda ayaa waxaa la dhigay isbitaalka maxalliga ah iyaga oo qaba dhaawacyo fara badan, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

Weerarkan ayaa wuxuu yimid maalin un kadib markii maleyshiyo kale oo Al-Shabaab ay dileen seddex qof seddex kalena afduubeen aagagga Falama iyo Jabibar ee gobolka waqooyi bari sare ee xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Falama waxay Al-Shabaab ka afduubteen gaari xamuul ah, darawalkii iyo shaqaalihiisii ​​ka hor inta aysan ka gubin Jabibar. Marka laga reebo haweenay kale oo rakaab ahayd, wadar shaqaalaha waxay ahaayeen illaa shan.

Mid ka mid ah maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa la dilay ka dib markii gaariga xamuulka qaada oo ay saarnaayeen uu miino dul maray. Qaraxu wuxuu dhacay markii dableyda ay isku dayday inay joojiso baabuurka.

Darawalka ayaa markii dambe u dhaqaaqay dhowr mitir oo dhanka hore ah waxa ka dhashay in uu u gacangalo maleyshiyadda, sida uu sheegay booliska. Wali lama helin kooxda la qafaashay. Ciidanka ammaanka ayaa goobaya dableyda falka sameysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM