Askar Kenyan oo lagu dilay weerar lagu tuhmayo Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya - Sarkaal ka tirsan booliska Kenya ayaa sheegay in 7 askari looga dilay midna lagu la'yahay gobolka Lamu kadib markii ay la kulmeen weerar jidgal iyo qaraxyo oo lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab.

Weerarka ayaa dhacay maalmo un ka hor inta uusan Madaxweyne Uhurro Kenyatta uusan Khamiista maanta ah daahfurin deked ay ku kacayso malaayiin doolar oo laga hirgelinayo gobolka sohdinta dhaca ee Lamu.

Sarkaalka bilayska ah, oo hadlayay Arbacadii, wuxuu ku adkeystay in aan magaciisa la shaacin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo saxaafadda, maaddaama millatariga Kenya uusan baahin khasaaraha soo gaara.

Milatariga ayaa sheegay in askartu ay ku jireen howlahooda caadiga ah deegaanka Baure ee maamula Lamu lana weeraray subaxnimadii Talaadada kadib markii gaarigooda qarax lagula eegtay wadada Bodhei-Kiunga.

Al-Shabab waxay wacad ku martay inay ka aargudan doonto Kenya markii ay ciidamadeeda u soo Soomaaliya dirtay si ay u taageeraan dawlada federaalka sanadka markii uu ahaa 2011-kii.

Tan iyo xilligaas, dalxiiska oo ahaa mid kamid ah ilaha dakhliga ee Kenya ayaa hoos-u-dhac weyn ku yimid, waxaana waddankaas ay Al-Shabaab ku qafaalatay ajaaniib qaarkood wali ay haysato qaar sii deysay.

Horaantii bishaan, ugu yaraan labo qof ayaa lagu diley gobolka Lamu oo ku dhow xadka dhanka bari ay Kenya kala wadaago Soomaaliya markii baabuurkooda uu dul maray qarax looga shakisan yahay in Al-Shabaab.

Weerarkii labaad muddo labo bilood gudahood ah lala beegsado mid kamid ah gawaarida sahayda geynaysa goob dhismo ah halkaas oo ay Kenya ka dhisayso xayndaab iyo dhufeysyo xadka Soomaaliya si ay baajiso weerarada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM