Askar ku dhimatay Shil diyaaradeed oo ka dhacay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Tiro aan la xaqiijin oo ka tirsan ciidamada Difaaca Kenya [KDF] ayaa ku dhintay habeenimadii Isniinta gudaha Keymaha halista ah ee Boni ee gobolka Lamu, ka dib shil diyaaradeed, kaas oo ku dhawaad ​​toddobaad kadib dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen qarax miino oo Al-Shabaab ay la beegsadeen.

War qoraal ah oo ka soo baxay Agaasimaha Isgaarsiineed ee Istiraatiijiga ah Brigadier Zipporah Kioko, Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka Kenya ee Huey ayaa burburtay, xilligaasi oo Askartu ay roondo xooggan ka wadeen gudaha Gobolka Lamu, halkaas oo kooxdan ay ku baacsanayeen Maleeshiyada Al-Shabaab iyagoo adeegsanaya Howlgalka Amani Boni.

Iyadoo aan la xaqiijin tirada dhibanayaasha, Sarreeye Guuto Zipporah Kioko ayaa xustay in shilkan uu dhacay xilli habeen ah oo ay roondo ku jireen, wuxuuna dhambaal tacsi ah u diray qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay. Koox baaritaan ah ayaa loo diray Wasaaradda Difaaca si ay u baaraan shilka, ayay raacisay.

“Diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka Kenya Huey Helicopter ayaa xalay ku burburtay gobolka Lamu xilli ay roondo ku jireen, shaqaalaha diyaaradda iyo ciidamada kale ee la socday ayaa qeyb ka ahaa ilaalada hawada oo habeen iyo maalin sii xoojisay roondada iyo ilaalinta howlgalka socda ee Amani Boni,” ayaa lagu yiri qoraalka.

"Hoggaanka iyo dhammaan bahda KDF waxay tacsi u dirayaan qoysaskii ay ka baxeen shaqaalihii diyaaradda. Guddi baaritaan ayaa la sameeyay oo goobta loo diray si ay u ogaadaan sababta keentay shilka," ayay tiri iyadoo aan wax macluumaad ah bixin.

Caadiyan, KDF sida kooxo badan oo militariga adduunka ah, si cad si buuxda ugama sheegaan dhacdooyinkan oo kale, laakiin bayaanku wuxuu u muuqdaa mid xaqiijinaya inuusan jirin wax badbaaday. Askartan ayaa ku sugnaa Keymaha Boni shantii sano ee ugu dambeysay kadib markii Baarlamaanka uu fasaxay howlgalka Amani Boni ee gudaha Lamu.

Kaymahan ayaa ku fidsan Kenya ilaa Soomaaliya, taasoo siisay askarta iyo kooxaha kale ee ammaanka ee hay’adaha kala duwan waqtiyo adag si ay u xakameeyaan Al-Shabaab, kuwaas oo xoojiyey dhaqdhaqaaqyada gobolka. Al-Shabaab ma laha awood ay ku soo ridaan diyaaradaha inkastoo ay ku faanaan in ay awood u leeyihiin in ay soo ridaan.

Kenya ayaa 12-kii sano ee ugu dambeeyay dagaal kula jirtay Al-shabaab tan iyo markii uu howlgallada Linda Nchi ka billaabay dalka ay deriska yihiin ee Soomaaliya, balse markii dambe waxay ciidamadeeda ku biirin doontaa howlgalka Midowga Afrika ee ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya [ATMIS]. Askartan ayaa la filayaa inay si buuxda uga baxaan dalka Geeska Afrika dhowrka bilood ee soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Dagaal culus oo ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda

Dhinaca koonfureed, goobjoogayaal ayaa sheegay in iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa RSF.

  • Afrika

    06-02-2025

  • 01:12PM

Congo: Meydad badan oo laga helay magaalo Mucaaradka la wareegay

Waxay sheegtay in ilaa iyo hadda la helay ilaa 2,000 halka meydadka 900 oo kale ay ku jiraan filinjeerrada isbitaallada.

  • Afrika

    06-02-2025

  • 09:00AM