AU oo ka hadashay diidmada taliska Farmaajo ee Mahama

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Midowga Afrika ayaa si rasmi ah wuxuu uga halay go’aanka taliska waqtiga ka dhacay ee Farmaajo uu ka qaatay ergayga ururkan usoo magacaabay in uu qeyb ka noqdo dedaalada xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka, John Mahama.

African Union oo shaaca ka dhigay in uu diidmada xukuumadda Muqdisho uu kala tashanayo wadamadda xubnaha ah ururka ayaa sidoo kale wuxuu walaac ka muujiyey in taliska Farmaajo “dib-u-liqo” dalabkeeda ahaa in Midowga Afrika uu ka caawiyo zal u heldin is-mar-waaga raagey ee doorashooyinka waddanka.

Afhayeenka madaxweynaha DRC ahna guddoomiyaha Midowga Afrika, Felix Tshisekedi, ayaa tibaaxay in wadamadda xubnaha ka ah ururka ay go’aan ka gaarayaan qaabka uu ku howlgeli doono Mudane Mahama.

“Qadiyadahan oo kale, Madaxtooyadda AU-da si hal dhinac ah go’aan ugama gaarto waxay la tashaneysaa guddiga iyo Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee AU-da,” ayun yiri Zenon Mukongo, oo sidoo kale kamid ah kooxda madaxwayne Tshisekedi kala talisa arrimaha khuseeya qaaradda Afrka.

Mukongo oo u waramay wargeyska afka dheer ee The Eas African ayaa intaas ku daray “Madaxweynaha wuxuu joojiyey kulan golaha uu yeelan lahaa Arbcadii. Mowqifka AU-da wuxuu cadaan doonaa kadib shirkan”.

Warsidaha Garowe Online ayaa in hogaamiyeyaasha qaar ee Midowga Afrika ay taageereen dalabka Farmaajo, qaar kalana ay kalana ay kasoo horjeesteen, ayağa oo ayidaya in Mr Mahama sii ahaado wakiilka gaarka ah ee ururka.

Maamulka Farmaajo ayaa tan iyo markii uu warqadda ka gudbiyey Mahama wuxuu waddaa olole uu taageero ugu raadinayo in la bedelo, isaga oo madaxweynihii hore ee Ghana la xiriirinaya Kenya oo xurguf siyaasadeed ay kala dhaxeyso Muqdisho wallow dhowaan xiriirkooda diblumaasi ay soo celiyeen.

Inkasta oo dowladda muddo xileedkeeda uu dhamaadey ay mucaaraday Mahama, haddana waxaa soo dhaweeyay Golaha Badbaado Qaran ayaga oo rajo ka muujiyey in uu fududeyn doono doorasho daahfuran iyo wadahadalo xal horseeda.

Wararka ayaa xaqiijinaya in galaha amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika uu taageeray Mr Mahama taasoo hoos u dhigeysa suurtagalnimadda in la bedelo siyaasigan kormeeraha ka ahaa doorashooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Kenya halkaasoo sumcad uu ka sameeyay.

Haddii mowqifka Midowga Afrika uu cadaado kahor shirka madaxda Soomaalida u balansan yihiin 20-ka bishaan May waxay horseedi kartaa in wadaxaajoodyada ay noqdaan kuwa miradhal, balse Villa Soomaaliya kasoo horjeedaa in kulankaas AU ku yeelato wax door ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika oo Loo Magacaabay Taliye Cusub

Qaaradda Afrika waa mid leh dhaqaale si degdeg ah u kobcaya iyo bulsho da’yar ah oo rajo u ah dimoqraadiyadda.

  • Afrika

    16-08-2025

  • 09:02AM