Baaritaan lagu ogaadey sababta Al-Shabaab u beegsatay Manda Bay

Image
Warbixintan cusub waxay si weyn u miisaamaysaa natiijadii ka soo baxday baaritaankii hore.

NAIROBI, Kenya - Baaritaano militari ayaa lagu ogaaday hogaan xumo, tababar aan ku filneyn iyo "dhaqan ku qanacsanaanta la'aanta" ciidamada Mareykanka ay wiiqday dadaallada lagu doonayay in looga hortago weerar 2020 ka dhacay Kenya oo ay ku dhinteen saddex qof oo Ameerikaan ah, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah oo aqoon u leh baaritaanka oo la hadlay wakaaladda wararka ee Associated Press ka hor inta aan la sii deyn natiijoyinka oola filayo in la siidaayo Khamiista.

Labo dib-u-eegis ciidan oo lagu sameeyay weerarka ay qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab ayaa si kulul loogu sheegay in ay jiraan guuldarrooyin ka dhacay saldhigga ciidamada cirka ee Manda Bay, halkaas oo madaxda sare ee ciidamada ay sheegeen in uu jiro “dhaqan qoto dheer oo ku dhisan dareen amni oo been abuur ah”.

Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saddex qof, waxaana lagu burburiyay lix diyaaradood; ugu yaraan lix ka mid ah fallaagada weerar soo qaaday ayaa la dilay.

General Stephen Townsend, madaxa taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika oo dib u eegistii ugu horeysay sameeyay, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP, in inkastoo aan qofka dusha loo saari karin weerarka ama khasaaraha ka dhashay weerarka xerada hada waxaa dib u eegista lagu soo gabagabeeyay in amniga, sirdoonka, tababarada iyo fashilka taliska ay gacan ka geysteen khasaaraha weerarka.

Suurtagalnimada dayacaad oo la beeniyey

Taliyaha Ciidanka Cirka, gaashaanle Sare Tom Wilcox oo ka mid ahaa kooxdii samaysay dib-u-eegistii labaad, ayaa sheegay "ma jirto dayacaad aan helnay oo ka qayb qaadatay sababta koowaad ee khasaaraha nafeed ama dhaawaca badisay. Si kastaba ha ahaatee, waxaanu ogaanay in ay suurtagal tahay in ay gacan ka geysatay natiijada, dayacaada garoonka diyaaradaha".

Saraakiisha Difaaca Maraykanka ayaa sheegay in tiro kamid ah ciidanka cirka dib loo eegis ku sameeyay, si looga qaado tallaabo anshaxeed, taasina ay keentay in 8 ka mid ah saraakiisha ay helaan nooc ka mid ah ciqaabta maamulka, sida canaan qoraal ah iyo shahaado ka xayuubin.

Siddeedda qof ayaa isugu jira kuwa da'da yar ee loo diiwaan geliyey diyaaradaha iyo saraakiil ka hooseeya darajooyinka guud. Qoraalka canaanta ah ayaa soo afjari karta shaqada sarkaalka. Sida ay sheegeen saraakiil aan sababtoo ah looma ogola in ay arrinkaan ka hadlaan ka hor waqtiga lagu dhawaaqayo natiijada rasmiga ah.

Saldhigga Manda Bay, oo ku yaalla xeebta loo dalxiis tago ee Kenya, ayaa waxaa qabsaday 30 ilaa 40 fallaago ah oo xiriir la leh al-Qaacida 5-tii Janaayo, 2020, taasoo u dhiganta weerarkii ugu horreeyay ee Al-Shabaab ay ku qaado ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka ku yaalla Bariga Afrika.

Weerarkan oo dhacay waaberigii hore ayaa dhaliyay dagaal dheer iyo halgan maalinle ah oo ay ciidamada Maraykanka iyo Kenya ku doonayeen inay ku sugaan amaanka guud ee saldhiga.

Warbixinta cusub ee "miisaanka culus leh"

Baaritaanka ugu horreeya ee weerarka waxaa soo gabagabeeyey sanad ka hor Taliska Mareykanka ee Afrika, laakiin bishii Abriil ee la soo dhaafay, Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin wuxuu amray dib u eegis cusub oo madax-bannaan oo uu hoggaaminayo General Paul Funk, taliyaha Ciidanka.

Warbixinta cusubi waxay si weyn u miisaamaysaa natiijadii ka soo baxday baaritaankii hore, laakiin waxay ballaadhinaysaa baaxaddeeda. Labaduba waxay si weyn u dhaleeceynayaan amniga, tababarka iyo kormeerka aan ku filneyn ee saldhigga. Austin waa aqbashay warbixinnada iyo natiijooyinkooda.

Saldhigga Manda Bay waxaa sanado badan isticmaali jiray ciidamada Mareykanka, balse waxa ay noqotay garoon waqti buuxa ah sanadkii 2016-kii, iyadoo la kordhiyay shaqaalaha, diyaaradaha iyo howlgallada.

Marka loo eego dib u eegista, militariga halkaas ku sugan weligood ma hagaajin amniga iyadoo lagu xisaabtamayo isticmaalka la ballaariyay waxaana la dajiyay xaqiiqda ah in saldhigga aan la weerarin 16 sano. Kooxda ayaa sheegay in dib u eegista Taliska Afrika, uu soo maray heer kasta oo uu jiray dhowr sano.

Dib u eegista ayaa lagu dhaleeceeyay hoggaanka heer walba, laga soo bilaabo garabka ciidamada cirka iyo ciidamada ammaanka ilaa taliyayaasha howlgallada gaarka ah iyo Taliska Mareykanka ee Afrika. Waxay ogaadeen in aan si ku filan loo fahmin oo diiradda la saaray khataraha gobolka.

Qorshaha Al-Shabaab ee beegsiga diyaaradaha UN-ka

Townsend waxa uu sheegay in warbixin sirdoon oo aan caddayn ka hor inta uusan dhicin weerarka lagu hoobtay uu ula jeeday qorshe Al-Shabaab ay ku weerarayso diyaaradaha Qaramada Midoobay.

Laakiin warbixintaas ma aysan helin dadkii saxda ahaa sababtoo ah shaqaale yaraan ayaa jirtay uu ku dooday. kuwa arkay "ma aysan sheegin" – in la weerari doono diyaaradaha qandaraaslayaasha aan la aqoonsan ee Maraykanku ku leeyahay Manda Bay. Waxa uu sidoo kale xusay: "Maalin walba waxaan helnaa warbixin sheegaysa- Al-Shabaab waa ay idin soo weerari doonaan. Inta badan ma dhacaan".

Dib u eegista ayaa sidoo kale lagu sheegay in talisyada kala duwan ee ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee saldhiga aysan si wanaagsan u wada xiriirin ama aysan si wanaagsan u wada shaqeyn ciidamada Kenya ee deegaanka.

Natiijo ahaan, 5:20 subaxnimo, 20 ilaa 30 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayau y suurtagashay in ay gudaha u galaan meel kayn ah oo ay ku rideen baasuukayaal garoonka diyaaradaha ee Magogoni ee saldhigga.

Labadii daqiiqo ee ugu horeysay, RPG-yadu waxay dileen Khabiirka Ciidanka Henry Mayfield oo saarnaa gaari xamuul ah waxayna dileen laba qandaraasle oo Dustin Harrison iyo Bruce Triplett ah, waxa ay diyaarad. Waxaa ku dhaawacmay askari kale iyo qof rayid ah oo qandaraasle ahaa.

Meel hal mayl u jirta wadada, ayaa koox kale oo yar oo dableyda ah waxay rasaas ku fureen xerada Simba, oo ah qayb ka mid ah saldhigyada ciidamada badda Kenya ee ku dhagan halkaas oo ay degan yihiin ciidamada Maraykanka.

Diyaarsanaan la'aanta ciidamadda ku sugnaa xeradda

Dib u eegista ayaa sheegaysa in ciidamada amaanka garoonka diyaaradaha aysan u diyaarsaneyn in ay ka jawaabaan weerarka, qaar badana aysan waligood lama kulmin weerarka kooxaha kacdoonka wada. Taa beddelkeeda, Marines-ka Camp Simba oo hal mayl u jira ayaa marka hore ka jawaabay.

"Qof ayaa bilaabay inuu toogto, Marines-kuna waxay aadayaan sanqadha qoryaha ku dhawaad 20-daqiiqo ayay ku qaadatay kooxda howlgalka gaarka ah ee Marines-ka in ay tagaan garoonka diyaaradaha oo ay billaabeen in ay iska caabiyaan dagaalyahannada, kuwaas oo soo galay khadka diyaaradda iyo dhismayaal.

Wareysiyada, Townsend iyo Wilcox waxay ku sheegeen in isbedello iyo horumarro la taaban karo la sameeyay - qaarkood saacadihii ugu horreeyay ka dib weerarka iyo kuwa kale oo sii socday oo koray sannadkii la soo dhaafay.

Isla markiiba waxaa goobta la keenay ciidamo lugta ah oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka si ay ammaanka u xoojiyaan, waxaana hadda ciidanka ilaalinaya ay laba jibaar ka badan yihiin sidii ay ahaan jireen markii la weeraray.

Intaa waxaa dheer, dib u eegista ayaa lagu taliyay in hal taliye sare oo saldhig kasta ah uu mas'uul ka yahay ilaalinta xoogga guud ee xarunta iyo in taliyuhu awood u yeesho inuu amar ku bixiyo dhammaan ciidamada halkaas ku sugan. Taas waxaa ku jiri doona cutubyo u gudbi kara amarrada kale - sida ciidamada hawlgallada gaarka ah ama kooxaha Ciidanka Hawada ee laga yaabo in la dejiyo saldhigga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM