Bangiga Adduunka oo ka walaacsan deynta Shiinaha siiyo Afrika

Image
Waddamada soo koraya ayaa inta badan lacag ka soo amaahdaan dalal kale ama hay’ado kala duwan.

CAPE TOWN, South Africa - Guddoomiyaha Bangiga Adduunka ayaa BBC-da u sheegay in uu ka walaacsan yahay qaar ka mid ah deymaha Shiinuhu uu ku bixin bixinayo qaaradda Afrika.

David Malpass oo wareysi naadir ah bixiyey ayaa ka shanqariyey in geedi-socodka iyo shuruudaha deymaha China loo baahan yahay inay noqdaan "daah-furnaan dheeraad ah".

Hadalka Malpass ayaa kusoo beegmay iyadoo ay jirto walaac laga qabo in dalal ay ka mid yihiin Ghana iyo Zambia ay la halgamayaan sidii ay u bixin lahaayeen qaanta ay ka heleen Beijing.

China oo dhowrkii sano lasoo dhaafay kordhiyey saameyntiisa qaaradda ayaa shaaca ka dhigay in deyn kasta uu bixinayo lagu sameeyo xeerarka caalamiga ah.

Waddamada soo koraya ayaa inta badan lacag ka soo amaahdaan dalal kale ama hay’ado kala duwan si ay u maalgeliyaan waaxyaha dhaqaalahooda kobcin doona sida kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo beeraha.

Kor u kaca heerka dulsaarka ee Maraykanka iyo dhaqaalaha kale ee waaweyn sanadkii la soo dhaafay ayaa dib u bixinta amaahda ka dhigaya mid qaali ah sababo ku aadan qiimaha sare ee doolarka.

Waa dhibaato ba'an oo si gaar ah u leh wadamada dhaqaalahoodu soo korayo ee ku dhibtoon kara inay helaan lacagta dheeraadka ah ee loo baahan yahay maadaama qiimaha lacagtoodu hoos u dhacayso.

Sikastaba, waxaa halkaas fursad ka dhex arkay Shiinaha oo si macquul ah uga faa'iideystay. Hase ahaatee, waxaa haatan indhaha kala qaadey Mareykanka oo doonaya in uu saameyntaas dumiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM