Biriq dishay ciyaaryahano xilli ay dheelayeen kulan saaxiibtinimo

Image
Kulanka ay ku naf-waayeen wuxuu u dhaxeeyay naadiyada kala ah Manyansi FC iyo Nyagiti FC

NAIROBI, Kenya - Laba ciyaartoy oo kubbadda cagta ah ayaa dhintay ka dib markii ay biriq ku dhacday xilli ay ciyaar ku ciyaarayeen ismaamulka Kisii ee galbeedka Kenya, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Labo laacib oo kale ayaa loo qaaday isbitaalka si loogu baxbaaniyo looguna fidiyo gargaar deg deg ah kadib markii ay dhaawacyo musiibadan rabaaniga ah.

Mas’uul ka tirsan xiriirka kubadda cagta Kenya oo ay soo xigatay saxaafadda ayaa xaqiijiyey in kulan ciyaaradeedka uu ahaa mid saaxiibtinimo markii da’ay xooggan uu roobka.

"Waa nasiib darro in ay naftooda ku waayeen iyagoo dheelaya ciyaar ay aad u jeclaayeen. Haddaanu nahay madaxda xiriirka, waxaan tacsi u direynaa qoysaska ay dhibaatadu saameysey,” ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Kenya Evans Akang’a.

Mas’uulkan ayaa kula dar daarmay maamulka in goobaha ay bulshadu ku badan tahay oo ay ka mid yihiin iskuulada lagu ciyaaro ciyaaraha ay ku rakibaan qalabka biriqda, si loo yareeyo falalka noocaan oo kale ah.

Wargeyska maxaliga ah ee Daily Nation ayaa ku waramay in mas'uuliyiinta ismaamulka Kisii ay bilaabeen in ay degdeg u dhaqan-geliyaan soojeedintan si looga fogaado waxyeelo kale.

Labada ciyaaryahan ee geeriyoodey ayaa lagu kala magacaabaa Sammy Musa oo 20-jir ahaa, iyo Joshua Nyangaresi, 21-jir ahaa. Kulanka ay ku naf-waayeen wuxuu u dhaxeeyay naadiyada Manyansi FC iyo Nyagiti FC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM