Biriq dishay ciyaaryahano xilli ay dheelayeen kulan saaxiibtinimo

Image
Kulanka ay ku naf-waayeen wuxuu u dhaxeeyay naadiyada kala ah Manyansi FC iyo Nyagiti FC

NAIROBI, Kenya - Laba ciyaartoy oo kubbadda cagta ah ayaa dhintay ka dib markii ay biriq ku dhacday xilli ay ciyaar ku ciyaarayeen ismaamulka Kisii ee galbeedka Kenya, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Labo laacib oo kale ayaa loo qaaday isbitaalka si loogu baxbaaniyo looguna fidiyo gargaar deg deg ah kadib markii ay dhaawacyo musiibadan rabaaniga ah.

Mas’uul ka tirsan xiriirka kubadda cagta Kenya oo ay soo xigatay saxaafadda ayaa xaqiijiyey in kulan ciyaaradeedka uu ahaa mid saaxiibtinimo markii da’ay xooggan uu roobka.

"Waa nasiib darro in ay naftooda ku waayeen iyagoo dheelaya ciyaar ay aad u jeclaayeen. Haddaanu nahay madaxda xiriirka, waxaan tacsi u direynaa qoysaska ay dhibaatadu saameysey,” ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Kenya Evans Akang’a.

Mas’uulkan ayaa kula dar daarmay maamulka in goobaha ay bulshadu ku badan tahay oo ay ka mid yihiin iskuulada lagu ciyaaro ciyaaraha ay ku rakibaan qalabka biriqda, si loo yareeyo falalka noocaan oo kale ah.

Wargeyska maxaliga ah ee Daily Nation ayaa ku waramay in mas'uuliyiinta ismaamulka Kisii ay bilaabeen in ay degdeg u dhaqan-geliyaan soojeedintan si looga fogaado waxyeelo kale.

Labada ciyaaryahan ee geeriyoodey ayaa lagu kala magacaabaa Sammy Musa oo 20-jir ahaa, iyo Joshua Nyangaresi, 21-jir ahaa. Kulanka ay ku naf-waayeen wuxuu u dhaxeeyay naadiyada Manyansi FC iyo Nyagiti FC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM