Blinken oo safar khsueeya Soomaaliya ku imaanaya Afrika
WASHINGTON, USA – Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa booqan doona Kenya, Nigeria iyo Senegal inta u dhaxaysa 15-ka ilaa 20-ka November, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Abuja.
Safaaradda ayaa tibaaxdey in booqashadu si qoto dheer ay hoosta ka xariiqi doonto ballaadhinta xiriirka ay Washingtion la leedahay saaxiibadeeda Afrika.
Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in inta lagu guda jiro booqashada, Blinken uu horumarin doono iskaashiga Mareykanka iyo Afrika oo ay ku jiraan soo afjarida masiibada COVID-19 iyo dib-u-dhiska dhaqaalaha adduunka oo loo dhan yahay, la dagaallanka dhibaatooyinka cimilada, dib-u-soo-nooleynta dimuqraadiyadda iyo horumarinta nabadda iyo amniga.
War-saxaafadeedka oo cinwaan looga dhigay, ‘Safarka Xoghaye Blinken ee Kenya, Nigeria, iyo Senegal,' ayaa lagu xusay in mas’uulkan uu safarkiisa ka billaabi doono Nairobi, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amb Raychelle Omamo. .
Xoghayaha iyo wakiillada dowladda Kenya ayaa sidoo kale ka wada hadli doona danaha ay wadaagaan iyaga oo xubin ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ay ka mid yihiin wax ka qabashada arrimaha amniga gobolka sida Itoobiya, Soomaaliya iyo Suudaan.
"Xoghayaha waxa uu horumarin doonaa iskaashiga Mareykanka iyo Kenya ee ku aaddan joojinta COVID-19, hagaajinta helitaanka tamarta nadiifka ah iyo ilaalinta deegaanka," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.
Blinken ayaa kadib wuxuu u safri doonaa Abuja, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha, Major General Muhammadu Buhari (retd.), Madaxweyne ku xigeenka Yemi Osinbajo iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Geoffrey Onyeama isaga oo kala hadlay nabadda qaaradda.
GAROWE ONLINE