Boko Haram oo xaqiijisay dhimashadda Amiirkeedii

Image

ABUJA, Nigeria - Boko Haram ayaa xaqiijisay geerida Amiirkooda, Abubakar Shekau, kaas oo ilo wareedyo ay sheegayaan inuu ku dhintay dagaal garab taabacsan ay la galeen daraf kale oo ka soo horjeedday oo ku biiray Daacish, sida lagu sheegay fariin muuqaal ah oo uu soo diray dagaalame loo maleynayo taliyahooda.

Muuqaalka oo koobnaa kuna baxayey luuqada Carabiga ayuu Bakura Modu, oo sidoo kale loo yaqaan Sahaba, wuxuu ku boorriyay maleyshiyadda kooxdiisu inay daacad ahaadaan.

Dhimashada Shekau waxaa loo arkay isbedel weyn oo ku yimid colaadda Nigeria, in kasta oo Daesh ay dhowaan u soo if-baxday in ay tahay awooda ugu weyn ee in ka badan toban sano oo dhaqdhaqaaqyo argagixiso ay ka jiraan waqooyiga bari ee Nigeria.

Shekau, oo caan noqdey kadib afduubkii 300 oo gabdho iskuuley ahaa 2014, ayaa is-dilay bishii la soo dhaafay halkii uu iska dhiibi lahaa kadib markii kooxaha ka soo horjeeda ee Daesh ay weerareen xerada uu ku leeyahay gobolka Borno ee waqooyi-bari Nigeria, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhinaca amniga ah.

Wax yar kadib warbixinnadii ugu horreeyay ee dhimashadda Shekau bishii la soo dhaafay, waxaa sii xoogeystay is-qab-qabsiga u dhexeeya labada daraf ee ay u kala jabtey Boko Haram.

"Dagaalyahanada Daesh ayaa ka hor yimid taliyayaasha Boko Haram oo diiday inay is dhiibaan oo ay ku biiraan safkooda," ayay sheegeen ilo wareedyo sirdoon oo ku dhow kooxda.

In ka badan 40,000 oo qof ayaa la dilay, in ka badan laba milyanna waa laga barakiciyay guryahooda dagaalada tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada woqooyi bari Nigeria sanadkii 2009.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM