Booliska Kenya oo ka hadlay kiiska Cabdiwahaab
NAIROB, Kenya - Madaxa waaxda dambi baarista Kenya, George Kinoti, ayaa bilaabay baaritaano ku aaddan duruufaha uu ku sugan yahay Falanqeeyaha geeska Afrika oo lagu afduubtay Nairobi.
Kinoti oo xafiiskiisa ku qaabilay Golaha Sare ee Hoggaanka Muslimiinta Kenya ayaa ballan-qaaday baaritaanno lagu xaqiijinayo halka uu ku sugan yahay Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.
"In ka badan 48 saacadood tan iyo afduubkii Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, waxaan dib ugu laabaneynaa Bartamaha Ganacsiga ee Nairobi oo ku teedsan wadada Turbman oo markii ugu dambeysay lagu arkay," ayuu yiri.
Sida uu wariyey telefishinka Citizen, Cabdiwahab ayaa goobtaas kula kulmay dad aan la garanayn "kuwaas oo ku qasbay inuu raaco gaari qafilan oo ku sii jeeday dhanka Muindi Mbingu Street".
Golaha Sare ee Hoggaanka Muslimiinta Kenya iyo kooxaha Xuquuqda Aadanaha ayaa goobaya marqaatiyeyaal iyada oo Kinoti uu caddeeyay in hay'addu ay aad uga xun tahay qafaalashadda.
"Xitaa arrinta Cabdiwahaab wuxuu sheegay in la baari doono wuxuuna sheegay in 7 maalmood gudahood uu jawaabo ku heli doono halka uu ku sugan yahay," ayuu yiri goluhu.
Qoyska aqoonyahanka Geeska Afrika ayaa dardargeliyeen inay ku wareegaan saldhigyada booliiska warbixinta Cabduwahaab iyagoo hadafkoodu yahay in ay nolol ama geeri ku helaan falanqeeyaha.
GAROWE ONLINE