Booliska Soomaaliya oo Kenya "u gacan-geliyay" rag Al-Shabaab ah

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska Soomaaliya ayaa ku wareejiyay Kenya laba ruux oo looga shakisan yahay Al-Shabaabnimo, sidda ay Khamiista maanta ah baahisay saxaafadda maxaliga ah.

Shasiyaadkan ayaa waxaa lala xiriirinayaa weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee ka dhacay Liboi ee gobolka waqooyi Barri Kenya.

Dhacdadaasi oo xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida lagu eedeeyay ayaa waxaa lagu dilay 11 kamid ah booliska sida gaarka ah u tababaran ee Kenya.

Magacyadda laba ruux ee Booliska Soomaaliya gacan-geliyeen ayaa lagu kala sheegay; Farah Ahmed Sanbul iyo Mihat Daar Khalif.

Sidda ay warbixinadu qeexayaan, raggan ayaa waxaa ay wateen qori AK47 ah kaasoo uu leeyahay Booliska Kenya kuna jirtey 30 xabo oo rasaas ah.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan sheegashadda warbaahinta Kenya oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka Booliska Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Kenya, dalal xuduud dheer wadaaga khatar amnina kala kulmaya Al-Shabaab, ayaa haatan waxaa ka dhaxeysa xiisad diblumaasiyadeed.

Xurgufta oo daaran dacwad ay go’aan ka gaareysa Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ICJ ayaa ku saabsan goob hodan ku ah kheyraad oo ku taala sohdin biyoodka labadda waddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM